Weftiga Kenya Oo Ammaanay Somaliland

0
Weftiga Kenya Oo Ammaanay Somaliland

Weftiga Kenya Oo Ammaanay Somaliland
Hargeysa(Sayruuq) Wefti ka kooban xildhibaanno, ganacsato iyo dad ka socda ururada bulshada Kenya, ayaa magaalada Hargeysa uga qeybgalay munaasabadda xuska 18-ka May ee sanad guurada 28-aad ee markii Somaliland dib ula soo noqotay xorriyaddeeda.

Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaanka deegaanka Ijara ee Gaarisa, ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa hoggaaminaysay weftigaasi oo ka qeybgalay munaasado lagu xusayay maalinta 18-ka May.

“Waxaan u imaanay inaan la dabaaldegno oo ugu hambalyeyno inta sannadood ee nabadda ay ku noolaayeen iyo shanta jeer ee doorashada ay qabteen, ayna ku guuleysteen ee aanay qaylo ka soo yeedhin iyo shaqada kala socoto ayaan ugu hambalyeyneynay”, ayay tidhi Xildhibaan Safiya oo la hadashay BBC Somali.

Waxay intaa ku dartay: “Way iska yar tahay dad aan caawimaad heleynin oo dowladnimada kala wada, oo kala dambeyn leh, ammaan haysta. In badan baan imaaday oo aan arkay Somaliland iyo wadaninimada dadka ku jirto”.

Safiya Cabdi Nuur ayaa Somaliland ku tilmaamtay in ay tahay “dal Soomaaliyeed oo walaal ah”. “In aan ka soo qeybqaadano oo Somaliland la dabaaldegno oo wixii ay u baahan yihiinna aan ogaano oo aannu la fadhiisano, anaga keliyana ma imaan”, ayey hadalkeeda ku dartay.

Sidoo kale waxay sheegtay in taariikhda Kenya iyo Somaliland ka dhexeyso ay aad u dheertahay oo ay soo socotay illaa xilligii gumeystihii Britain.

Mar ay ka hadlaysay arrimaha geeska Afrika waxay tidhi: “Annaga waxaan ka tirsan nahay geeska Afrika. Dal kasta iyo bulsho kasta oo ka tirsan (dalalka) geeska Afrika, garab inaan u noqono waan ku qasbannahay, haddaan nahay Kenya. Sababtoo ah nabad ayaan rabnaa, ammaan baan rabnaa, midnimo ayaan rabnaa “.
Weftiga Kenya Oo La Kulmay Baarlamaanka Somaliland
“Soomaalida in ay ka baxaan waxa ay ku jiraan oo ay horey u socdaan oo ay horumar gaadhaan oo garabka la is qabsado oon wada socono ayaan la rabaa. Meel kasta aan ku nool nahay sida Somaliland, Soomaaliya ama Xamar ha noqoto, kilalka Shanaad, Jabuuti, Kenya iyo meel kasta”, ayay tidhi Xildhibaan Safiya.

Dib u milicsi: Kenya waxa ay xiriir dublamaasiyadeed la yeelanaysaa Somaliland

Wargeyska Afka dheer ee kasoo baxa magaalada Nairobi Daily Nation ayaa dhawaan qoray in dowladda Kenya ay qorsheynayso in ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa si loo yagleelo xidhiir dhdublamaasiyadeed oo ka dhaxeeya Kenya iyo jamhuuriyadda Somaliland.

Wargeyska ayaa sheegay in danjire lagu magacaabo Philip Mudia Githiora loo igmaday in uu xafiis ka furo Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay wadahadallo yeesheen wasiirka arrimaha dibedda Kenya Dr Monica Juma iyo wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil.
Amb Baashe Oo Ka Hadlay Xafiiska Kenya Ee Hargeysa
Wargeyska oo qoraalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dr Juma ay kulan la yeelatay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire.

Kulamadaasi kadib, wasiiradda Dr Juma ayuu wargeyska sheegay in ay warqad u qortay Xoghayaha Joogtada ah ee Shaqaalaha Rayidka ah Joseph Kinyua si uu u fududeeyo hawsha xafiiska cusub ee Hargeysa.

“Xidhiidh taariikhiya ayaa naga dhaxeeyey Kenya illaa xiligii gumeystihii, tallaabada ay Kenya qaadday in ay xafiis uga furato Hargeysa waxa ay sare u sii qaadaysaa iskaashi dhanka ganacsi iyo bulsho oo na dhexmara” ayuu wargeyska kasoo xigtay Baashe Cawil oo ah wakiilka Somaliland ee Kenya.

Somaliland ayaa bishii Diseembar ee sannadkii hore Nairobi ku qabatay shir arrimaha maalgashiga looga hadlayo, shirkaas oo uu furey wasiirka arrimaha dibedda Yaasiin Maxamed, kaas oo maalgashadayaasha Kenya ku dhiirogaliyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi jira.

Xigasho: BBCSomali

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.