Weerarkii Xirsi & Aamuskii Wasiir Koore!

0
Weerarkii Xirsi & Aamuskii Wasiir Koore!

Weerarkii Xirsi & Aamuskii Wasiir Koore!
Hargeysa (Sayruuq) Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in mashruuca jidka Berbera Corridor qorshihiisu ahaa jid cusub oo balaadhan laakiin, jidka hadda la dhisaya yahay dayactir lagu samaynayo jidka jira ee labada haad ah. Waxa kale oo uu ka digay in mashruucu noqdo sidii mashruucii xumbo weyne ee biyo balaadhinta Hargeysa ee fashilmay.

Hoggaamiyaha oo hadal ka jeedinayay munaasibad uu qabsaday telefishanka Badda Cas ayaa yidhi “Waxaan doonaya in aan tilmaamo Berbera Corridor waa barmaamij aan cusbayn oo illaa iyo dawladdii Ina Cigaal soo jiitamayey. Waxay xukuumaddu inoo sheegtay inay Abu Dubai inaga bixinayso waa illaahay mahadii iyagana weynu ugu ducaynaynaa Xukuumaddana waxaan leenahay waad ku mahadsantihiin, laakiin’se maxaa taaggan? Waxa taaggan in iminka la dhagax dhigay oo ay ka dhawaajisay Xukuumaddu waxaan tix-raacayaa haddaladoodii uun waxay ka dhawaajisay in waddadii jirtay ee Hargeysa Iyo Berbera uun dib loo hagaajinayo.”

Hoggaamiye Xirsi ayaa sheegay inuu ahaa mashruuca Berbera Corridor jid cusub oo ka madax-banaan kan hadda jira, “Berbera Corridor waxay ahayd waddo ka duwan tan labada haad ah ee aynu haysanay in la inoo dhiso, haddii ay tan hore uun tahay in la inoo dhadhabo, waar taa inagu suuf iyo xanjo aynu isu geysano oo kab-kabano oo haddii Abu Dubai iyo jeebkii weynaa ee Carabtu wax inaga bixinayaan, waddadeenii yarayd ee Hargeysa iyo Berbera iyo Hargeysa iyo Wajaale ee aynu awal horeba samaysanay yeynaan iska dul-gelin oo isku baabi’ine, haddii aanay wuxu ahayn Saleebaan waxaan ugu hal-qabsanayaa haddii aanay Xunbo weyne noqon , Xunbo weyne alle ha inooga sahlo.”

Geesta kale wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo madasha fadhiyay oo hoggaamiye Xirsi ku soo hal qabsaday ayaan arrintan ka jawaabin markii uu Makarafoonka qabsaday waxaanu isaga oo si dadban u soo hadal qaaday sheegay in aanay xukuumad ahaan wax walba ka jawaabayn “Had iyo jeer xukuumadda ama qofka masuulka ahi eray kasta oo la yidhi in uu ka jawaabo maaha,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Koore oo tilmaamay in ay sida waalidku ubadkooda ugu dulqaatan ugu dulqaadanayaan dhalliisha mucaaradka taas oo u muuqatay madax gadasho iyo ka galgalasho dhalliisha culus ee hoggaamiye Xirsi u jeediyay jidka xukuumaddu dhagax dhigtay.

Geesta kale xogo wargeyska Waaberi ka helay kulan dhawaan madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici la qaatay masuuliyiinta shirkadda Dp World ayaa tilmaamay in Imaaraadku ka cago jiidayo lacagta badan ee ku baxaysa mashruuca jidka Berbera iyo Wajaale sidaas awgeedna ay dayactirayaan jidkii jiray kadibna ay dhisidda jidka cusub ku xidhnaan doonto sida uu dhaqaale u soo kordhiyo jidka la dhisay ee Itoobiya u isticmaasho.

Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka ayaa isna saxaafadda u sheegay in jidka hore ee Jiray dayactir lagu samayn doono, islamarkaana kobaca dhaqaale ee uu sameeyo ay ku xidhnaan doonto in mashruucii qorshaysna ee Berbera Corridor la dhiso.

Mashruucan oo muddo dheer la hadal hayay xukuumaddu dhawr jeer ku tilmaantay in uu hormuud ka yahay waxyaabaha Somaliland ka faa’iidayso Imaaraadka iyada oo markii dambe sheegtay in jidka lagu bedeshay saldhigga Militari ee Imaaraadka oo aan wax kiro ah laga qaadin.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.