Waxgaradka Gobolka Hawd Oo Baaq Qaylo Dhaan Ah Ka Soo Saaray Dhul Boob Baaxad Leh Oo Ay Ku Kaceen Kooxda Golaha Deegaanka Baligubadle.

0

Baligubadle(Sayruuq)- qaar ka mid ah wax garadka gobolka Hawd ayaa baaq culus ka soo saaray musuq maasuq balaadhan oo ay sheegeen inay ku kaceen guddida dhulka ee golaha deegaanka degmada Balli-gubadle.xubnahan oo baaqa ka soo saaray xarunta gobolka Hawd ee Balli-gubadle ayaa waxay baaqan si toos ah ugu socodsiiyeen wasaarada arimaha gudaha, badhasaabka gobolka Hawd iyo masuuliyiinta ka tirsan xukuumada ee ka soo jeeda gobolkaasi, kuwaas oo ka codsaday inay si deg deg ah wax uga qabtaan musuq maasuqa ay ku kaceen guddida dhulka ee golaha deegaanka Balli-gubadle.

baaqan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Sayruuq news ayaa udhignaa sidan “Hadii aanu nahay odayaasha ,dhalinyarada,haweenka iyo dhamaan dadka hoos ku qoran waxaan halkan ku soo gudbinaynaa baaq aanu u dirayno wasaaradda Arrimaha Gudaha Jsl,Gudoomiyaha Gobolka Hawd,iyo siyaasiyiinta xukumada jsl ee ka soo jeeda gobolka hawd,waana kan baaqa oo kooban.

  1. mudanayaal waxaa jirabin Golaha Deegaanka ee Baligubadle gaar ahaan Xubnaha gudiga dhulka ku magacaaban ay sameeyeen ku xad gudub iyo burburin danta guud ah, kuwaas oo dano gaar ahaaned u isticmaalay dhulkii loogu tala galay danta guud ee ay ka jareen dadka dhulka ku leh degaanada gobolka Hawd,waxaana imika meel ay mariyeen aanay la ogoyn 90 blook oo dhul ah taas oo an la soo galin diwaanka kaydinta dhulka ee dawlada hoose
  2. xoghayaha fullinta oo bilaabay in uu diiwaan galiyo danta guud ee laga jaray dhulka la qorsheyay waxa imika dacwad ku bilaabay Xubno ka tirsan golaha deegaanka oo ah xubnaha loo tirinaayo in ay musuqmaasuqeen dhulkii qaran ee guud ahaan degmada.

sidaa awgeed waxaanu madaxda ay baaqani khuseeyo ka codsanaynaa in xubnaha golaha ka tirsan ee hawshan wada lahor keeno sharciga lana baadho si rasmiya fadeexda musuq-maasuq ee ay galeeen,lana dhawro xuqquqda masuulka isku dayey in uu saxo qaladaadkooda hadii wax laga qaban waayana waxaanu qaadan doonaa talaabo ka dhana Gole ku sheeg aan sharci ku socon.

Xubnaha Baaqa Soo Saaray

  1. Cabdikariin Caxamed x.cali
  2. Cabdi Muxed Cabdilahi
  3. Cabdiqadir Maxa,ed cali
  4. Abshir cabdirisq
  5. keyse Xasan Maxamed
  6. Xuseen Cali axmed

7.Maryan Yuusuf Axmed

8.Xuseen Gadhle

Sayruuq.com

Baligubadle

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.