Waxay Moodayaan!! Qalinkii Ibraahim Hawd

0

Faysal Cali-Waraabe wax uu moodayaa in uu aad u caqli badan yahay. Ayeyday wax ay moodaysaa in ay islaamaha kale oo dhan timaha jiidi karto. Siilaanyo wax uu moodayaa madaxweynennimadu in ay tahay Madaxtooyada oo la dhex seexdo. Wasiir Cukuse wasiirnimada Warfaafinta wax uu moodayaa hadal badnaan. Labada wasiir ee isu beddelay Madaxtooyada (Xirsi iyo Xaashi) meeshaba wax ay moodayaan tuuladoodii. Een, Ismaaciil Buubaa wuu hubaa in uu ilbax yahay, oo weliba ka sii ilbaxsan yahay ilbaxa weyn ee la yidhaahdo Axmed Ismaaciil Samatar. Jamaal Cali Xuseen wuu la yaabban yahay dadka jeclaan waayay ee kaftankiisa ku qosli waayay. Wasiirka cusub ee duulista Caddaanni wuu la yaabban yahay sida Ilaahay ammaantii Siilaanyo u ga aqbalay. Muuse Biixi wax uu rumaysan yahay ragannimada in kaadida loo soo cabbo. Cabdillaahi Cawad Cige wax uu moodayaa in uu Burco joogo isaga oo Liverpool is ka jooga. Suldaan Maxamed Cabdilqaaddir wax uu moodayaa in uu een, yacni een… Cabdiraxmaan-Cirro wax uu moodayaa mucaaradnimadu in ay tahay Geeska Afrika oo la dalxiiso. Samsam Wasaaradda Maaliyadda wax ay moodaysaa hagbad laba islaamood is ku darsadeen. Anigu, een… wax aan moodayaa hadaltiradu in ay macno lee dahay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.