“Waxaanu Maraynaa In La Iskugu Faano Intaan Ku Dilo Ayay EU-da iyo UNDP Jeelka Igu Biilin..Midawga Yurub Hadday Xuquuq Garanayaan Somaliland Ha ICitiraafaan” Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho

0

Hargeysa(Sayruuq)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan(Indho-indho), oo ah Gudoomiyaha guddida Xuquuqal Iisaanka iyo arrimaha bulshada golaha guurtida Somaliland, ayaa Midawga Yurub ugu baaqay inay aqbalaan qaddiyadda Citiraaf raadinta Somaliland.

Xildhibaanka oo ku hadlayay Afka guddida iyo kan Golaha oo dalka u qaabilsan Arrimaha diinta, dhaqanka iyo amaanka ayaa sheegay inay taageersan yihiin fulinta Qisaasta oo dhiiri galinaysa amaanka, sidoo kalena ah Amarka Alle iyo shuruucda Somaliland oo la fuliyay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in fawdada oo Somaliland ku badataa aanay kaligeed saamaynayn balse ay Geeska ku baahayso “Wuxuu go’aanka Midawga Yurub noola muuqdaa mid duulaan ku ah oo ka hor imanaya dhaqankayaga iyo Diintayada. Waxaanu leenahay EU-du kaligood ma yaqaanan Xuquuqda Aadamaha. Xuquuqal Iisaanka Midawga Yurub sheegayaa anigu ma garanay mid uu yahay laakiin, waa go’aan lagu soo weerarayo dawladda Diinteeda iyo dhaqankeeda ilaashanaysa,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Xildhibaanku waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan leeyahay Midawga Yurub haddii uu xuquuqal Iisaan garanayo dadka Somaliland ee Laasqoray ilaa Lowyacaddo iskaga yimid, ee Xuquuqdoodii aadamaha la soo noqday ee dawladda Samaystay, ee Nabad galyo ku ilaashanaya, wixii Beesha caalamka ay ugu baahnaayeen oo ah Citiraaf ay Midawga Yurub ka hagranayaan, hadday Somaliland waxtarayaan Citiraafka ay Shuruudihiisii Buuxisay, xuquuqal Iisaanka way ku jirtaaye waa inay taas ka hadlaan.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Maxaabiista Dil sugeyaasha ah lacag lagu siiyo Jeelka “Qofkii qofka dilay ayay Midawga Yurub iyo UNDP jeelka lacag ku siiyaan oo Magaalada Hargeysa la iskugu faano intaan ku dilo ayaa Midawga Yurub iyo UNDP Jeelka igu biilin doonaan baanu maanta Maraynaa.”

Hadalka Xildhibaanka ayaa ka dambeeyay Go’aan ka dhan ah 6-dii Qof ee Somaliland qisaasta ku fulisay 13-kii bishan oo Midawga Yurub soo saaray kuna sheegay arrin aan la aqbali Karin,kana dhan ah xuquuqda Aadamaha. Waxay ku baaqeen in la joojiyo dilista dadka wax dilay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.