“Waxaanu Ka Garaabayna Tabashada Sland”Farmaajo

0
Akhri Farqiga U Dhexeeya Labadii Khubad-Sannadeed Ee Ay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo

“Waxaanu Ka Garaabayna Tabashada Sland”Farmaajo
Muqdisho(Sayruuq) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka midho dhalinta wada hadallada Somaliland, islamarkaana uu diyaar u yahay ka garaabidda arrimaha Somaliland gooni isugu taagtay.
Madaxweyne Farmaajo oo baarlamaanka Soomaaliya u jeediyay khudbad ayaa sheegay in aanay ka maarmin Somaliland.
“Waxa naga go’an in aanu ka midho dhalino wada hadalka maamulka Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka walaalaheen. Walaalaheen Somaliland waa dad walaalaheen ah oo aan jecel nahay oo aynaan kala maarmin, waxaan ku bixinayna dadaal dheeri ah midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed si aan uga baxno dhibaatada ay umadda Soomaaliyeed ku jirto,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo

Farmaajo inkasta oo uu hoosta ka xariiqay in mdho dhalka wada hadalku noqonayo midnimada Hargeysa iyo Muqdisho haddana wuxuu ku dooday in uu ka garaabayo tabashada Somaliland waxaanu yidhi “Waxa aan diyaar u nahay in aanu si waafi ah uga garowno tabashooyinkooda walaalaheena reer Somaliland.”
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Xiisadda Tukaraq & Wada Hadalka Somaliland Iyo Somalia
Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa sanadkii 2012 bilaabay madaxweyne Siilaanyo iyo Sheekh Shariif laakiin, waxaa mar kale 2015 ku fashilmay Siilaanyo iyo Xasan Sheekh. Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo ayaa la filayay in ay ambaqaadaan wada hadallada, islamarkaana dardar hor leh galiyaan laakiin, waxa fashilmay isku dayo badan oo wada hadallada dib loogu bilaabayay inkasta oo labadooduba sheegaan in ay ka go’an yihiin in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka sodon jirsaday ee Somaliland iyo Soomaaliya.
“Farmaajo Muqdisho Madaxweyne Kama Ahanayo”M.Biixi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.