“Waxaan U Taag Nahay Jagada Guddoomiyaha Kulmiye,”Qabyotire

0

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin Aadan Qabyotire ayaa mar kale shaaciyay in uu yahay musharrax u taaggan jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Wasiirkan hore ayaa shalay ka dhex muuqday golaha wasiirrada hore oo shir ku yeeshay Hargeysa.

 “Hore waxaan u sheegay in aan isku soo sharaxaayo jagada Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye , hankeyga Musharax-nimo ee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waa halkii oo kamaan tanaasulin marka wakhtigeeda la gaadho insha alleh , waana aan isku soo sharaxayaa waana aan u taaganahay jagadaas,” Sidaas ayuu yidhi Qabyotire oo wargeyska Geeska Afrika u warramay.

Qabyotire ayaa xilli uu wasiirka Qorshaynta ee Siilaanyo ahaa shaaciyay in uu yahay musharrax u taaggan guddoomiyaha Kulmiye Madaxweyne Muuse dabadii laakiin, xilligaasi kadib waxa soo baxay in uu jiray khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyihii Kulmiye Muuse Biixi lamana oga hadda sida Madaxweyne Muuse u wajihi doono siyaasiyiin hankoodu yahay hoggaanka Kulmiye

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.