“Waxaan Qirayaa In Uu Qof Qiimo Badan Ka Baxay Qaranka” Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Tacsi U Diray Dr. Cabdi Aw Daahir

0

HWasiirkii hore ee Madaxtooyadda Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Tacsi diiranyo leh u diray eheladii, qaraabadii Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali waxaana qoraal kooban oo kaga hadlayo geeridaa murugada leh uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook u dhignayd sida tan:

wasiir_xirsi
Waxaan tacsi tiiraanyo badan u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaanba qaranka JSL oo uu Allaha u Naxariistee maanta ka baxay Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
Marxuumka waxaan ku aqaanay dun wanaag, diin xafid iyo dad yaqaanimo waxaanu kaalin muuqata kasoo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii iyo taabo galinta qaranka Somaliland
Marxuumka waxaan waxaan Illaahay u waydiinayaa Naxariis iyo dembi dhaaf badan sidoo kale qoyskii, qaraabadii, ehelkii , asxaabtii iyo guud ahaanba qaranka JSL-na waxaan Illaahay u waydiinayaa Samir iyo bedel.
إنا لله وإنا إليه راجعون

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.