“Waxaan Leeyahay Reer Awdal Maanta In Aad Qori Qaadataan Ma Haboona,” Axmed Yuusuf Yaasiin

0

Hargeysa(Sayruuq)- Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay inaanay suuro gal ahayn inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto.waxa uu ku sababeeyay dib u dhaca ku yimid Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa yidhi “Horta Doorashadu wakhtigeedii inaanay ku dhacayn baan filayaa,waana arrintaas ta macquulka ah ee meesha taala.waxa weeye Komishankii doorashada ayaa dib u dhacay, Komishankaas doorashooyinkuna shaqay leeyihiin;Waxa jirta Arrin intii aan Golahan Wakiilada la dooran Maxakamadda sare goysay oo ah in Doorashada Diwaangalin lagu galo,taasina maanta ma taalo”

Madaxweyne xigeenka hore oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Go’aanka kama dambeysta ah cidda gaadhaysaa waxa weeye Komishanka doorashada ee samaynaysa Jadwal Camali ah oo bille ah, ee odhanaysa Bishan waxaas baanu qabanaynaa,bishaa kale waxaas baanu qabanaynaa,Qandaraasyadii baanu bixinaynaa,Qalabkii baanu bixinaynaa,waa la naadinayaa,wakhtigaas bay doorashadu dhacaysaa”

axmed-y-yasin

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu caqabad kale ku tilmaamay labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada ee mar la wada qaban doono “Maanta waxaa isa saaran laba doorasho oo aan hore u dhicin,waa arrin culus ee yaan la dhayalsan.waxaan Xukumadda iyo Komishankaba u soo jeedinayaa labadan doorasho ma fududa, Awal horena waa la kala qaadi jiray,haddaba waa in qaabka ugu fudud ee loo gali karo laga fikiraa” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland.

Hadalka Madaxweyne xigeenka hore ee Somaliland ayaa imanaya xilli Mucaaradku walwal badan ka qabo doorashada oo wakhtigeedii dib uga dhacdo, laakiin,Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukumaddiisa ayaa ku adkaysanaya inay doorashada wakhtigeeda qabanayaan, balse Mucaaradka ayaa sheegaya inaan hadalka Xukumadda iyo ficiladeeda ku aadan u diyaar garowga doorasho dalka ka dhacda badhtamaha sanadkani yihiin laba aan islahayn

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.