Waxaan isweydiiyey maxaa arrinka Caarre loogu dari waayey heshiiskii koowaad ee Ceelafweyn.

0

Waxa Qoray Maxamed Aadan Tarabbi

Waxaan isweydiiyey maxaa arrinka Caarre loogu dari waayey heshiiskii koowaad ee Ceelafweyn. Kaas oo Caarre joogey Goof.
Xukuumaddu waxay tidhi arrinka Caarre waa arrin ciidan e dan uga baxa.

Waxaan isweydiiyey maxaa arrintii Ceeryaan ee Jaamac yare cafiska ka qaatay, haddana Jaamac yare uu u cawday. Waliba uu Xukuumadda uga cawday. Waxaan isweydiiyey maalintii Ceelafweyn heshiisku ka dhacayey, ee la yidhi waa Baho iyo Idarays kaliya, maxaa heshiiska loogu dari waayey cid kasta oo maalintaa wax tirsanaysay. Oo looga dhigay Baho iyo Idarays kaliya.

Waxaan isweydiiyey arrinka Fadhigaab ee maanta taaggani, inuu ahaa hadhaagii Colaaddii Ceelafweyn. Maxay Xukuumaddu kiis kasta qayb dib u gu dhigtaa. Kiis kasta oo dib loo dhigaana wuxuu dhalaa Dil.

Waxaan isweydiiyey maxaa Suldaan Siciid haddii Nabad loo diray, loo eryaday, hantidiisa loola wareegay, 28 maalmood kadibna Maxamed Kaahin Ceelafweyn wuxuu ka raadinayaa cid uu kala hadlo arrinkii Fadhigaab. Suldaankii uu kala hadli lahaana buurtay saareen.

Waxaan isweydiiyey maxaa 28-Maalmood Ceelafweyn Maxamed Kaahin iyo Wasiirro kale u joogaan? Maxaa kiis kasta oo Ceelafweyn ka dhaca isagoo qabyo ah looga yimaaddaa? Kiis kasta oo laga yimaaddaana dil buu dhalaa.

9-Malyuun oo Doollar ayaa ku baxay Ceelafweyn 2dii sanno ee ugu danbeeyey. Ina Bahalkiiyow Ceelafweyn Waa mashruuc.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.