“Waxaan Filayaa Inaynu Al-baabadda u Furnay Xidhiidh Ina Dhex-mara Dalka Shiinaha” Danjire Mingiste

0

Hargaysa (Sayruuq): Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha danjire Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste), ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay dedaal ugu jirto sidii xidhiidh cusub oo is-kaashi ay ula yeelan lahayd dalka Shiinaha, isla markaana ay qaybteedda uga heli lahayd maal-gelinta uu dal-weynaha Shiinuhu ku samaynayo wadamadda qaaradda Afrika.

Waxaanu sheegay Danjirre Mingiste, in dawladda Shiinuhu ay ka mid tahay wadamadda ugu Tunka weyn caalamka wakhtigan haddii ay noqoto dhinacyadda dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarkaba, sidaas darteedna ay doonayaan in ay xidhiidh dhaw la yeeshaan. Isagoo xusay in sanadihii u danbeeyay uu soo xoogaysanayay xidhiidhka u dhexeeya dawladda Shiinaha iyo Somaliland gaar ahaana dhinacyadda ganacsiga iyo waxbarashadda.

Ambassador Mingiste, waxa uu sidaas ka sheegay khudbad uu xalay ka jeediyay munaasibad lagu furayay xafiiska ururka jaaliyadda u dhashay dalka Shiinaha ee degan Somaliland oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladii furitanka ururka jaaliyadda Shiinuhu xubno ka tirsan golaha wasiirrada, qaar ka mid ah safiiradda Somaliland u fadhiya wadamada dibada, xildhibaano, siyaasiyiin, aqoonyahano, masuuliyiin ka socday xisbiyadda qaranka, salaadiin, ganacsato, aqoonyahano dhallinyarro, haween, ardayda reer Somaliland ee wax ku soo bartay dalka Shiinaha iyo marti sharaf kale. Munaasibadaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland.

“Dal weynaha Shiinuhu, waa dal aad iyo aad u balaadhan, waa dal dundia ka ah muhiim, waa dal dhaqaalihiisu aad u sareeyo, waa dalalka dunida maanta ugu horeeya xagga dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarka. Waxaan qabaa in aynu xidhiidh la yeelano dalka Shiinaha aad iyo aad ayay muhiim u tahay.
Dhinac kale haddii aan ka eegno, dalka Shiinuhu waa dal aad iyo aad maanta u xiisaynaya qaaradda Afrika, waana dal maal-gelin balaadhan ugu tallo galay qaarada Afrika. shirkii ugu danbeeyay haddii aan idin xasuusiyo ilaa 60 Bilyna oo dollar ayuu u qoondeeyay qaaradda Afrika horumarinteeda dhinacyada kala duwan. Dalka Shiinuhu wuxuu xiiso weyn u hayaa maalgashiga qaaradda Afrika, inaguna (Somaliland) waxaynu ku naallaa qaaradda Afrika”.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Sidaas darteed waxaan filayaa inay muhiim tahay in aynu soo dhawayno, oo aynu xidhiidh fiican oo wada shaqayneed la yeelano. Dalka Shiinaha muddo dheer ayaynu xidhiidh lahayn, oo xidhiidhkeenu wuu horeeyay xiligii Somaaliya ka hor, ilaa kun sano ayuu xidhiidhku jiray, markii aynu ka mid ahayn wixii la isku odhan jiray Soomaaliya xidhiidhkeenu wuu wanaagsanaa, laakiin intii aynu dib ula soo noqonay madax-banaanideena xidhiidh macno leh ama maalgashi la taaban karro oo ina dhex-maray ma jirin”.

Waxa uu tilmaamay Ambassador Mingiste in dalka Shiinuhu uu ka mid yahay dawladaha wax-qabadka horumarka dunida ugu horeeya, isla markaana ay jiraan raadad horumarineed oo uu dalka Somaliland ka fuliyay xiligii aynu ka midka ahayn wixii la siku odhan jiray Soomaaliya.

“Shiinuhu wuxuu ka mid yahay dalalka ugu horeeya xagga waxqabadka, wax badan ayaynu caalamka kale daba soconay, haddiii la qiimeeyo Shiinuhu inta uu ka qabtay dhulka degaamadda Somaliland. Waxaa ka mid ah wadadda aynu ilaa maanta marno ee ka bilaabanta Sheekh, waxay ka mid tahay waxyaabaha ay Somaliland u qabteen. waxa kale oo ka mid ah ceelasha biyaha ee ay Hargeysa ka biyuhu uga yimaadaan, waxaan filayaa inay aad iyo aad muhiim u tahay Somaliland ahaan in aynu soo celino xidhiidhkii aynu la lahayn Shiinaha, kana qayb-galno tartanka loogu jiro qaaradda Afrika, ee uu wakhtigan ugu jiro dalweynaha Shiinuhu” ayuu yidhi Danjirre Mingiste.

Waxa uu intaasi ku daray in sanadihii u danbeeyay uu soo kobcayay xidhiidhka Somaliland iyo dalka Shiinaha, gaar ahaana dhinaca waxbarashada. Waxaanu yidhi “Sanadihii u danbeeyay waxaa soo wanaagsanaanayay xidhiidhka shacabka reer Somaliland iyo ka Shiinaha, tusaale ahaan waxa jira ilaa 500 arday oo reer Somaliland ah, oo wax ku barta dalka Shiinaha. Waxaana halkan fadhiya ardayda badan oo reer Somaliland ah oo wax ku soo bartay Shiinaha. Waxaa kale oo jirta in dhawr iyo toban xafiis oo ay ganacsatada reer Somaliland ku leeyihiin dalka Shiinaha, waxyaabahaas oo dhammi waxay ifa-faale cusub u yihiin inay Al-baabka u furan xidhiidh wanaagsan oo ina dhex mara inaga (Somaliland) iyo dalweynaha Shiinaha”.

Dhinaca kale Danjirre, Cabdi Saleebaan waxa uu carabka ku dhuftay in furitaanka xafiiska ururka jaaliyadda Shiinaha ay magaaladda Hargaysa ku yeelanayaan in uu furre u yahay xidhiidh cusub oo dhex-mara dawladaha Somaliland iyo Shiinaha. “Ururkan jaaliyadda Shiinaha ee ayna caawa (xalay) furayno isaga laftiisu faa’iido badan ayuu inoo leeyahay, oo ururkan jaaliyadu wuxuu furre u yahay xidhiidhka labada bulsho. Sidaas darteed waxaan filayaa furitaanka ururkan, jaaliyadda ka soo jeedda Shiinaha, ee Somaliland degan inay fariin fiican u tahay dal weynaha Shiinaha, taninna waxay noqonaysaa tallaabo fiican oo ina dhex-marta dalweynaha Shiinaha. Jaaliyadu waa xidhiidhka ugu horeeya ee bulshadda, waa is-dhex-galka labadda bulshadda, waa is-fahamka labadda bulsho”.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay aragtidiisa xafiiskan ay Somaliland ka furteen jaaliyadda u dhashay dalka Shiinaha iyo waxa uu soo kordhin karro am aka tarri-karro xidhiidh wanaagsan oo dhex-mara labadda dal. “Sharaf ayay ii tahay in aan caawa (xalay) idin kala soo qaybgalo xafladan balaadhan ee ay soo agaasimeen jaaliyadda Shiinaha ee degan Somaliland. Waxaan soo dhaweynayaa ururkan cusub ee jaaliyadda Shiinaha. Waxaanan leeyahay, ku soo dhawaadda gacmo furan, ku soo dhawaada wadan u diyaar ah inuu idin la yeesho xidhiidh wanaagsan.

Anaguna (Somaliland) waxaanu idin furaynaa in aad dawladiinii gaadhsiisaan sida aanu bulshadiina u soo dhawaynay, in aad anagana jaaliyadayadda u soo dhawaysaan. Waxaan filayaa inay caawa (xalay) noqoto markii u horaysay oo aynu si toos al-baabadda ugu furno xidhiidhka dal weynaha Shiinaha iyo Somaliland” ayuu yidhi Danjirre Mingiste.

Dhinaca kale, waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay Mr. David oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Shiinaha ee degan Somaliland waxaanu ka waramay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Shiinaha. Waxaanu sheegay in wixii ka danbeeyay markii ay burburtay Soomaali weyn in xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Shiinaha uu talaabo talaabo u soo kordhiyay, isla markaana uu hadda jiro xidhiidh ganacsi oo ka dhexeeya labadda dal.

Mr. David waxa uu tilmaamay inay jiraan dad badan oo Shiine ah oo magaalooyinka Somalida ku leh meherado ganacsi sidoo kalena uu jiro xidhiidh dhaqaale iyo mid ganacsi oo ka dhexeeya Shiinaha iyo Somaliland. Waxaanu intaas ku daray inay mustaqbalka dhaw qorshaynayaan inay dhisaan xarunta Ganacsiga Shiinaha ee Somaliland oo kulmin doonta ganansatadda Dalka u dhashay iyo kuwa Shiinaha.

“Sannadihii u danbeeyay waxaa jiray iskaashi dhaqaale, mid ganacsi iyo waxbarasho oo dhexmaray Somaliland iyo Shiinaha, waxaana jirta in gancsato badan oo reer ah inay badeecado kala duwan oo ganacsi iyo alaabooyin kale ay ka iibsadaan Shiinaha, sidoo kale waxaa jira arday Somaliand u dhashay oo wax ka barta Jaamacadaha dalka Shiinaha”ayuu yidhi guddoomiyaha jaaliyadda Shiinaha ee degan Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.