Waxa i deeqa wasiir qaran oo ka turjuma baahida dadka Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

mudane Madaxweyne Wasaaradu ha noqdaan kuwo ku shaqeeya qorshayaal Qaran, isla markaana adeegooda fulineed ku saleeya baahiyaha kala duwan ee deegaanka ka jira

0

Dawladdi waa tii matasha dadkeeda ku kala nool Gobolada iyo degmooyinka dalka, laakiin waxa in dhawayd dhagaheena ku soo noq-noqnaysay in Wasaarada Qaranka Somaliland uu mid kastaaba deegaankiisa ula cararo wax qabadka,iyada oo ay jiri lahayd deegaan uga baahi badan adeeg uu geeyey deegaanka uu ka soo jeedo.

Waxa dalkeena u wacnaan lahayd dadkana caddaalad u horseedi lahayd iyada oo waxqabadka dawladnimo loo jajabiyo lana hoos geeyo hay’adaha iyo wasaarada ku shaqada leh, si wasaaradaha loogu dabagalo sida ay mudnaanta u kala siiyaan baahida deegaan kala duwan ka jirta, wasiir haddii hal degmo ay leedahay MCH oo haddana ay jiraan hay’ado kale oo doonaya in ay isla MCH ka dhisaan isla deegaanka, waxa ka mudnaan lahayd adeega oo bahida MCH aad gayso degmo kale oo uga baahi badayd. Tani waxay Qarankan u horseedi lahayd isku dheelitirnaan dhinaca dawladnimo iyo yaraynta baahiyaha deegaan ka jira deegaanada Somaliland.

Markaa mudane Madaxweyne Wasaaradu ha noqdaan kuwo ku shaqeeya qorshayaal Qaran, isla markaana adeegooda fulineed ku saleeya baahiyaha kala duwan ee deegaanka ka jira sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Wadooyinka, Macalimiinta iyo wax kasta oo khuseeya baahida deegaanka, iyada oo qof kasta iyo deegaankuba xaq u leeyahay in wax loo qabto inaga oo waliba og sida haynteenu ay tahay.

Wasiir Qaran ayaa na deeqa,laakiin nama deeqo wasiir qabyaaladeed, dalkana waxa la hadhay wasiir aan isu haysan in uu u shaqaynayo dhammaan dadka degan inta ku jirta xududdka Somaliland, ha noqdo mid aad isu beel tihiin iyo mid kale, haddii uu Madaxweynaha Somaliland doonayo midnmada iyo wada jirka ummada Jamhuuriyadda Somaliland, waa in aad doorataa waiir Qaran oo qorshayaashaada Qaran dadka si simana u gadhsiin kara.

Qoraa Mahad Cumar Siciid.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.