“Waxa Habboon In Mucaaridku U Hoggaansamaan Dastuurka Dalka” Wasiir Shugri Xariir

0

Hargaysa (Sayruuq): Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ee Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo hogaansamo shuruucda iyo dastuurka dalka u yaala, isla markaana laga fogaado in la soo celiyo waxyaabihii ay Somaliland hore uga soo gudubtay.

Shugri Xariir, waxay sida kaWasiir-Ku-xigeenka-warfaafinta sheegtay hadal ay Khamiistii todobaadkan ka jeedisay munaasibadii gebagebaddda ee shir lagaga hadlayay qorshaha shanta sanno ee socda ee wasaaradda warfaafinta oo muddo labo cisho ah ka socday huteelka Ambassador ee magaaladda Hargaysa.

Wasiir ku xigeenka warfaafintu, waxay intaasi ku dartay in Somaliland ay ka soo gudubtay shir qaran, isla markaana ay imika leedahay dastuur ay si buuxda ugu codeeyeen dhamaanba bulshadda reer Somaliland. “Qofkee ayaa ogol in Somaliland 1991-kii dib ugu noqoto, bulshaddu waxay doonaysaa in ay hore u socoto in dib loo celiyo ma doonayso. Markaa waa in shuruucda dalka la ixtiraamo. Shirkii ugu danbeeyay ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay guriga hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaaladda Hargaysa, waxaa lagu qoray iyadoo 500 oo ergay oo ka socday beelaha Somaliland ay fadhiyeen”ayy tidhi wasiirku.

Wasiir Ku xigeenku iyadoo hadalkeedda sii wadatayna waxay tidhi “Waxa aynu qaadanay dastuurka qaranka Somaliland sanadkii 2000 waxa aynu u codaynay dastuurka markaa wax ina kala xadaynaya dastuurka qaranka oo bedelay Axdi-qarameedkii Somaliand ku soo socotay ee ay ku soo dhaqmaysay waxa badalay dastuurka dalka u yaala. Waxaana uu ka reebay wixii la odhan jiray shir beeleed waayo wixii baneeyay jidkii dimuqraadiyada iyo haykalka dawladnimo oo dhamaystiran hayadaha qaranka ayaa xaq u leh in ay abaabulaan shirarka qaranka oo dastuurku siiyay.”

Sidoo kale wasiir ku xixgeenku waxay sheegtay in xisbiyadda loo sameeyay si dumuqraadiyadda loogu tartamo, oo ay meesha uga baxdo qabyaaladda iyo beelaysigu. waxaanay tidhi “Haddii aynu Somaliland nahay, xisbiyadda wxa aynu u samaysanay in si dumuqraadiyadda loogu tartamo, mucaaridkuna waa muraayadii dawladda oo dawladu waxay qaladkeeda ka aragtaa waa mucaaradkeeda. Mucaaradku waa in waxa xaqiiqada ah ee jira ay sheegaan, waa inuu soo bandhigaa mucaaradkana murayaadoodu waa bulshadda, mucaaradkuna haddii uu wax macquul ah, ku dhaliili waayo xukuumadda waa muraayadii ay iska arkayeen oo way ka wasakhoobaysaa, iskuna arki maayaan.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.