Wax Ka Ogow Taariikhda Fanka Faadumo Cabdillahi Kaahin (Maandeeq)

0
Wax Ka Ogow Taariikhda Fanka Faadumo Cabdillahi Kaahin (Maandeeq)

Wax Ka Ogow Taariikhda Fanka Faadumo Cabdillahi Kaahin (Maandeeq)

Maandeeq.

Faadumo Cabdillaahi kaahin (Maandeeq) Sannadkii 1958 ayey markii koowaad la heestay Maxamed Axmed Kuluc waxayna la qaaday heesta” Bal kaalay bilaneey , bal kow baxsanow “ oo uu Erayada iyo laxankaba allifay Abwaan Cali Sugule Duncarbeed.
Xilligaasi Faadumo Maandeeq waxay ahayd gabadh aad u da’yar intii ka horreysay sannadkii 1961 fanka Maandeeq aad muu hana qaadin ilaa markiidambe la qoray Radio Hargeysa oo ahayd goobta keliya ee qofka fankiisa laga maqli karo shaqanauu kaga heli karo.
Maandeeq Radio Hargeysa waxay la tagtay saddex hees oo uu lahaa Abwaan Saxardiid Jebiye oo ay ka mid tahay Laxanka Murug , ka dibna laba bilood sida sharciga ahayd heesaha idaacadda laga baahin jiray iyada oo ay dadkuna soo qiimayn jireen in qofkaasi u qalmo in fannaan-nimo loo aqoonsado iyo in kale, kadibna waxa lagu soo celin jiray abwaanada oo iyaguna qiimayn jiray aragtida ay dadku soo dhiibteen.
Maandeeq fankeedu wuxuu ku xoogaystay laxamadii qaraamka ahaa ee xilligaasi socday waxaana aad loogu jeclaaday saddexda Laxan ee , Rakaad, Hayaan iyo Murug ka dibna waxay ka qaybqaadatay riwaayaddii “Himiladeena” ee uu Cali Sugule lahaa , waxna uu ka jilaayey Maxamed Cumar Huryo taasi oo laga dhigay Hargeysa ilaa Kismaayo , Maandeeq waxay ahayd gabadha keliya ee ku jirtay riwaayadda .
Sannadkii 1964 waxay ka mid ahaydkooxdii wax ka dhigtay riwaayaddii Alla Aamin ma iisho ee Axmed Saleebaan Bidde, iyada iyo Tubeec ayaa bedelay kaalintii Maxamed Yuusuf Iyo Baxsan , waxayna wada qaadeen heesta Toogo.
Marka dib loogu laabto ayaamihii bilawga fanka Maandeeq markay hoboladu isku yimaadaan ee ay qaaddo laxanada kala duwan ee Qaraamka ah waxa loogu yeedhi jiray magaca Faadumo Sargo’an .
Riwaayado kala duwan ayey ka qaybqaadatay , sida “Jacayl Boob uma baahna” oo uu lahaa Cabdiqaadir Cali Cigaal oo ay ku jirtay heesta Neyruus oo iyada iyo Tubeec wada qaadeen, markii dambe ee riwaayadda lagu celiyey se Magool lagu bartay , riwaayaddii Xuskii Jacaylka ee Abwaan Singub, oo heeso Wardi ay ka mid taha ay ka qaaday iyo riwaayaddii “Aabahay ka samree adiga” oo uu lahaa Maxamed Cali kaariye taasi oo ay ka qaaday heeso ay ka mid ahaayeen Guryo samo iyo Samir oo ay labadaba la qaaday Maxamed Saleebaan Tubeec balse markii dambe heesta Samir ay la duubtay Axmed Cali Cigaal.

Faadumo Cabdillaahi Maandeeq waxa jira laxano Qaraam ah oo ay caan ku tahay keligeed sida Raaxeeye Burcaawi .
Maxamed Saleebaan Tubeec oo ay Soomaalidu ku maamuusto magaca boqorka codka ee fanka Soomaalida ayaan ka maqlay isaga oo ka sheekaynaya Maandeeq wuxuu xusay in isagu aanu jeclayn inuu dumarka la heeso sababtuna ay ahayd in uu waayi jiray xorriyad badan oo uu ku soo bandhigo khiyaarka qaab heesidiisa balse marka ay Maandeeq noqoto ay macno gaar ah u samayn jirtay isaga oo ku tilmaamaya qaab hees wanaag.

Maandeeq waxay la heestay fannaaniin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen , Muuse Ismaaciil Qalinle, Axmed Cali Cigaal , Maxamed Saleebaan Tubeec, Maxamed Yuusuf Cabdi, Cabdikhadar Xasan, Maxamed Axmed Kuluc , Axmed Gacayte Yuusuf , Cabdillaahi Diiriye Sooraan, Maxamed Cabdillaahi Gujis iyo Daa’uud Cali Masxaf

ku dar xogta aad ka taqaan fanka Maandeeq

Wariye Cumar Seerbiya 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.