Wax ka baro xanuunka Joonis Cadka: Dr Maxamed

0
Wax ka baro xanuunka Joonis Cadka: Dr Maxamed

Wax ka baro xanuunka Joonis Cadka: Dr Maxamed

Todobadkan waxa aynu ku qaadaa dhigaynaa waxna uga baran doona xanuunka joonis cadka ee loo yooqano afka qalaad Hepatitis B waxaynu u diyaarinay mawduucan hab ah su’aalo iyo jawaabo balaadhan si aad wax badan uga ogaataan xanuunkan oo ah Dhibe qarsoon oo wakhtiyadan dambe bulshadeena faro baas ku haya ,sababayna dhimasho.

Hordhac

Xanuunka Hepatitis B  waxa ay soomaalidu u taqaan  joonis cad ama cagaarshaw  waa nooc ka

mid ah 5 ta nooc ee ugu caansan xannuunada ku dhaca beerka ee loo yaqaano joniska waxana daah furay sannad-kii 1965 saynis-yahan la odhan jirey Baruch Blumberg oo ka tirsana machadka National Institutes of Health. Jooniskani waxa sababa nooca jeermiska ee loo yaqaano hepadna virus waana (double-stranded DNA genome ) ama laba gale hidda sidihiisu yahay DNA cabirkiisa waxa lagu qiyaasa 42-nm .

Waxa uu yeesha joonis cadku ilaa sideed nooc oo hidde sidayaal (genotypes) loo yaqaano ama lagu calaamadsado A-H HBV.

caabuqu xanuunkani waxa uu qofku hayaa mudo 6 bilood ka badan sidoo kale waxa uu yeelan karaa mid waqti gaban ku jira jidhkiisa oo saf mar ah (ACUTE) ama mid waqti dheer laga heli karo jidhkiisa (CHRONIC) sidoo kale wuxuu noqon karaa mid saamayn xun ku yeesha beerka (fulminant ) sababina kara inuu noqdo beerku mid dhintay ugu dambayna isku bedela cancer ku dhaca beerka.

Qiyaas Intee Leeg Buu Xanuunku Saameeyey Dunida Imisaa Se Sanadkii U Dhinta ?

Sida ay sheegayso warbixinaha sanadlaha ah ee ay soo saarto haayada caafimadka adduunka ee WHO waxa lagu qiyaasa dadka qaba caabuqa xanuunka jooniska noociisa loo yaqaano B ee saameya beerka aadamaha inay gaadhaan 240 milyan oo qof oo ku kala nool daafaha dunida.

Sidoo kale Sanad kasta waxa u dhinta dad ka badan 780.000 oo qof cabuqa beerka kasoo gaadha ee xanuunka joonis cadka iyago u dhinta beerka oo ka yaraada intii lagu yaqaanay ee caadiga ahayd ama uu haleelo cancerka beerka ku dhacaa ee uu sababo xanuunkani .

Wadamada uu waxyeelada badan ku hayo xnuunkani waxa ka mid ah wadamada ka hooseeya saharaha Afica taas oo 5—-10% ay qabaan dadka qaangaadhka ahi sida ay sheegtay haayada cafimaadka adduunku.

Sidee Ayuu Ku Gudbaa Xanuunkani

Jeermis sidaha joonis cadku waxa uu ugu kala gudbaa bulshada marka dheecanka ama dhiiga qof qaba xanuunka joonis cadku uu soo gaadho dheecanka qofka cafimaadka qaba .

jeermis sidaha dhaliya xanuunkani waxa uu muddo todoba cisho ah ku noolaan karaa beerka aadamaha halkaasi oo uu ku bato kuna tarmo kadibna sababo xanuunka.

Sidoo kale xanuunkani waxa gudbin karta hooyada uurka leh ee qabta xanuunka marka ay ku jirto wakhtiga dhalmada , geesta kale iyana waxa jira siyaabo kale oo la tilmaamo inuu ku gudbo xanuunku se aan weli la xaqiijin.

Xanuunkani waxa uu kaga soo if baxaa ama kaga muuqda qofka uu haleelo muddo dhan 75 cisho ,celcelis ahaana waxa uu qofka kaga muuqan karaa ama lagu arki karaa mudo dhan 30 ilaa 180 cisho

Astaamaha Lagu Garto Xanuunka

Indhaha iyo maqaarka sarre ee jidhka oo isku bedela midab hurdi ah loona yaqaano Jaundice oo ah halka xanuunku magaca ka soo qaatay

Kaadi madaw daal badan matag yalaalugu

iyo moxoga oo xanuuna

waxa is weydiin leh yaa halis ugu jira inuu haleelo xanuunkani

  • carrurta da’doodu ka yar tahay lixda sano
  • dadka difaacoodu hooseyo ama qaba xanuunada hoos u dhiga difaca jidhka
  • qaadashada dawooyinka qaar kuwaas oo waxyeelo soo gaadhsiiya beerka
  • qof kasta oo sameeya galmo aan sharci ahayn cafimadkeedana aan la hubin

Sidee Loo Baadha Xanuunka Joonis Cadka ?

Si loo ogaado qofka uu haleelo xanuunkani waxa uu dhakhtarku la yeesha wareysiyo iyo eegida muqaalka jidhkiisa isagoo baadhis iyo taabashaba

ku samaynaya ka dib si uu u xaqiijiyo doctor nooca xanuunka waxa uu adeegsada shaybaadho ama Screening Test waxaana la baadha dhiiga qofka iyadoo la baadho HBsAg.  Iyo  baadhis lagu sameeyo (Immunoglobulin’s) qofka looga shakiyo xanuunkan waxana soo baxda natiijada

Xanuunka Joonis Cadka

Sidee Loo Daweeya Xanuunkan ?

inta la ogsoon yahay xanuunkan weli looma helin dawooyin sax ah oo lagu daweeyo se waxa loo isticmaala talaalo ka hortaga oo la hirgeliyey sanadii 1982 iyo dawooyin taageerayaal ah oo ay ka mid yihiin Alpha Interferon iyo kuwa la dagaalama Virus yada sida Zidovodine iyo Limovodine dhamaan dawooyinkani waa kabayaal se maaha xanuun daweeyayaal caabuqa joonis cadka ah ,hadaba waxa muhiim ah si loo faafiyo loogana hortago dhibta caafimaad darro ee xanuunkani sababi karo haddii uu bulshada dhexdeeda ku faafo in bulshadu ku baraarugsanaato oo ay garato siyaabaha uu u faafo xanuunku ka dibna laga dhawrsoonado iyadoo siyabaha uu ku gudbi karo xanuunka waxa ka mid yihiin :-

dhiiga amaba dareeraha jidka qofka qaba hadduu kusoo gaadho isago kugu soo gaadhi kara hababkan ay ka mid ka yihiin :-

1- Haddi wax fiiqan oo dhiig qaadi kara uu muday qofkii bukay adna ku mudo.

2- Haddii lagugu shubo dhiig qof qaba.

3- Galmo, haddiiba gabadha amaba ninku midkood qabo ka kalana waa qaadaya.

4- Hooyo way u gud binaysaa ilmaheeda xiliga uurka.

 

Hadaba marka aynu isla garano siyaabaha uu ku gudbayo inagoo ku jirna weli sidii looga gashaman lahaa ama looga hortagi lahaa xanuunkan waa inaynu yeelanaa qorshe cad oo dawlad ahaan aynu leenahay inagoo raacayna xeerarka calamiga ah ee ka hortaga xanuunkan

 

Si aynu u yareyno faafida xanuunkan waa inaynu helnaa :-

 

  1. Waa in la sameyo wacyigelin balaadhan oo ku saabsan xanuunka waxa uu yahay ,dhibaatadiisa iyo sida looga gashaman karo

 

  1. Waa in Dadka lagula taliyo laguna dhiiri galiyo in ay iska baadhaan gaar ahaan
  • Xiliga guurka. • Xiliga hooyadu uurka leedahay.
  1. sidoo kale bulshada noocyadeeda kala duwan loogu baaqo faaidada talalka iyo ka hor taga xanuunka

4.Waa in qof kasta ka digtoonada isku tag aan sharciga ahayn sida galmada xaaraanta ah iyo in lagu shubo dhiig aan la baadhin noocuu doono ha ahaade

Marka aynu intaas isla garano ogaanana waxa xanuunku yahay sida loo kala qaado ama looga hortagaba aynu isla eegno ma jiraa wax tirakoob sax ah oo Somaliland laga sameeyey heerka uu marayo xanuunkani bal aynu eegno xogtan yare ee Dr. Zeynep Muuse Jama ka samaysay dhiig bixiyayaashii lagu baadhay qaar ka mid ah casimadaha gobolada dalka Somaliland

Somaliland

Inkasto aan tirakoob sax ah ama xog dhab ah aan  laga hayn Somaliland ayaa hadana haddii aad tahay hawl wadeen caafimaad joogana Hospital waxad dareemi kartaa in dad badan xanuunkani uu hayo, taaso ah ta nagu kaliftay inaanu raadino  meel aanu xog saxa ka heli karno

Xogta keliya ee suuro gal noqotay inaanu helno heerka xanuunka ee dalkeena waxay noqotay WHO blood safety monthly report 2013 ee cusbitalada guud ee Somaliland .

War bixintaa oo u qornayd bil bil ayaan isku geeyay gobal kastaa sanadkaa intii qof ee la badhay guud ahaan iyo intii laga helay xanuunka, dadka la baadhay waxay wada ahaayeen dhamaan rag maadama inta u badan bulshada Somaliland cida dhiig bixisaa tahay Rag da’doodu waxay u dhaxaysay 18-65

Sawirkan helayna waxaa uu noqday kan hoos ku xusan iyada aan 100% la isku halayn Karin in ay sax tahay xog ururintani lakiin waxay iftimin kartaa dadkii dhiiga shuubayay ee la baadhay guud ahaan tiradooda iyo inta xanuunka laga helay sanadkii 2013 somaliland cusbitalada Guud :-

Hargeisa waxaa la baadhay 2416 qof waxaan xanuunka laga helay 75 qof taas oo haddii la raaco noqonaysaa 100 qof ee la badhayba 3.1% ayaa qabay xanuunka.

Berbera waxa la baadhay 392 waxana laga helay xanuunka 13 taas oo ah micnaheedu 100 qofba 3.3% ayaa laga helay xanuunka dadkii la baadhay .

Burco oo ah magalada ugu badan dadka xanuunka laga helay intii dad la baadhay ayay ahayd tiradu guud ahaan waxa la baadhay 2391 , waxa positive noqday amaba laga helay 145 taas oo macnaheedu ay tahay 100 qof ee la baadhay ba 6% ayaa xanuunka qabay.

Borama waxa la baadhay 768 qof waxaa laga helay xanuunka 45 qof , dadkii la badhay 100 qof ba waxa xanuunaka qabay 5.8% .

Ceerigaabo waxa la baadhay 333 waxana laga helay 10 qof , oo ah 100 qof ee la baadhayba 3% baa qaba .

Laascood oo ah magalaada dadka la baadhay ugu yar yihiin 74 qof oo kaliya sanadkaa ayaa dadka laga helay ahaayeen 4 qof . taas oo u dhiganta 5.4% ay qabaan xanuunka dadkii la baadhay.

Sidii aan hore u soo tilmaamay inkasta oo anay sawir saxa ah warbixintani ka siinayn heerka magalo kasta uu gaadhsiisan yahay xanuunku hadana waxay ku horseedaysaa inaad is waydiiso su’aalo badan oo ta ugu mihiimsani tahay :

1- haddiiba u maarayo xanuunka heerka dadkii muqaal ahaan u muuqday in ay yihiin dad cafimaad qaba, talow tiro intee leeg ayaa xanuunku haya iyago wax calaamada ah lahayn.?

2- Sida ay ina tusayso xog ururintani Burco ayaa ah magalada uu ugu badan yahay xanuunkan dadka qaba ee la badhay markay dhiiga shubayeen taas micnaheedu ma waxa weeyaan in dadka xanuunku hayaa ay burco ugu badan tahay?

3- Haddi ay tahay jawaabtu haa waa maxay sababta burco ay ugu badan tahay xanuunkani ?

Fiiro Gaar ah : Tirakoobkani waa mid laga sameeyey dadyowga dhiig bixiyayaasha ah ee ay baadhista dhiig bixinta ka horeysa ay u sameyen bangiyada dhiiga ee dalka intii laga helay xanuunka joonis cadka

Diyaarintii   Dr. Mohamed Shucayb Ahmed

Tixraac

WHO hepatitis B guidline safety

Kumar and Clark internal medicine

Davidson

Iyo qoraalka u muhiimsan warbixintan ee ay diyaarisay Dr Zeynep Musse Jama

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.