“Wax Aanu Isku Ognahay Oo Aanu Ka Dhuumanaa Ma Jirto Wasaarad Baanu Leenahay Oo Na Xukunta……”Maayarka Burco

0

Burco(Sayruuq)-Maayirka iyo Maayir Ku-xigeenka Magaalada Burco ayaa iska fogeeyay eedo ay u soo jeediyeen Gudidada Dabagalka Hantida Qaran oo maalmihii u danbeeyay safaro shaqo ku marayay Gobolada Bariga Jamhuuriyada Somaliland waxaana ay eedaha ku tilmaameen kuwo lagu dag-dagay.

maayir

Ugu horayn Maayirka Magaalada Burco Md. Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad ayaa waxa uu sheegay in ayna meesha oolin wax laga dhuuntaa ayna ahayd In Xildhibaanadu sharaftooda ilaaliyaan oo aanay si shoobaro ku jirto aanay ula dhaqmin Xafiisyada Masuuliyiinta waxaanu yidhi “wax aanu isku ognahay oo aanu ka dhuumanaa ma jirto Wasaarad baanu leenahay oo na xukunta, odhad baanu leenahay oo hadii wax lanagu eedaynayo nala xisaabtama, laakiin waxa ay ku fiicnayd in ay xildhibaanadu sharaftooda iyo qiimahooda ilaashaad in ay si shoobaro oo kale ah ula dhaqmaan xafiisyada masuuliyiinta ama yidhaahdaan way naga dhuunteen aadbaanu uga xunahay”

Waxa kale oo uu sheegay Maayir Maxamed in ay aaminsan yihiin Xafiisyadoodu yihiin kuwa ugu shaqada badan leh Xafiisyada Golayaasha Deeganka Qaranka isla markaana loogu helitaanka badan yahay waxaana ka mid ahaa hadaladiisi “faani mayne waxaan aaminsan nahay xafiisyada Golaha deegaanka Dagmada Burco in ay yihiin xafiisyada ugu shaqada badan Xafiisyada Golaha Deegamada Qaranka ee loogu heli og yahay Masuuliyiinta Golaha Deegaanka”.

Waxa kale oo isaguna halkaas hadal kooban oo uu ka jeediyay Maayir Ku-xigeenka Magaalada Burco Muxumed Xasan Jaamac ku sheegaya In ay ahayd in ay Xildhibaanadu ay la sugaan masuuliyiinta oo ay u samraan waxaanu yidhi “waxa ay ahayd hadii ay doonayaan in ay  warbixin ka qaataan Dawlada Hoose maalina dib waa u dhici kartaa labana dib way u dhici kartaa waxa ay ahayd in ay maamulka la sugaan oo ay u samraan oo ay la balamaan dee maalin labaad waa lala galin lahaa waxaanu u arkaynay uun in arintaasi ay ahayd meel iskaga jeedin”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.