Wasiirul-dawlaha Amniga Oo Is Hortaagay Wareegto Uu Wasiir Faratoon Ku Magacaabay Guddoomiye Degmo

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa si badheedh ah u horjoogsaday digreeto uu Wasiirka Wasaaraddaas Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) xilka kaga qaaday guddoomiyihii degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodi-jeex, mid cusubna ugu magacaabay.

Wasiir Faratoon, ayaa digreeto uu soo saaray maalintii Salaasada ee toddobaadkii hore waxa uu guddoomiyaha cusub ee degmada Daarasalaam ugu magacaabay Mr. Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed, kadib markii uu xilkaas ka qaaday Ciise Muuse Axmed, isla markaana ku faray Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex inuu sida ugu dhaqsaha badan labadaas masuul xilka ugu kala wareejiyo, taas oo loo ballansanaa Sabtidii maanta.

Hase yeeshee, Wasiiru-dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye oo ay ka madax-bannaan yihiin Maamulka gobollada iyo degmooyinka, ayaa si cad u horjoogsaday fulinta wareegtadii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) uu ilka kaga qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaas, masuulka cusubna ugu magacaabay.

Sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhow Wasaaradda Daakhiliga, Wasiir Diiriye ayaa si badheedh ah uga joojiyey Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex xaflad uu xilka ugu kala waraajin lahaa masuulka cusub ee Wasiir Faratoon u magacaabay degmada Daarasalaam iyo guddoomiyihii hore ee uu shaqada ka fadhiisiyey.

Warku waxa uu intaa ku daray, in Ammarkaas kadib Badhasaabku weydiiyey Wasiiru-dawlaha sababta uu isku hortaagay degreetada wasiirkiisa, inuu si aan gabbasho lahayn ugu jawaabay, “Xilka lagama wareejin karo guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada Daarasalaam oo aniga ayuu hawlo muhiim ah ii hayaa.” Sidaa waxa noo xaqiijiyay Odayaasha degmada Daarasalaam oo Baadhasaabka waydiiyay sababta uu Wasiirul-dawluhu isku hortaagay xafladda kala wareejinta labadda Mas’uul.

Tallaabada uu ku kacay Wasiir-dawladaha Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga Md. Maxamed Muuse Diiriye oo lagu tilmaamay fool xumo weyn oo dhabar-jab ku ah nidaamka maamulka iyo dawladnimada qaranka Somaliland, ayaa ku soo beegantay xilli uu safar dibadeed dalka kaga maqan yahay wasiirka wasaaraddaas Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo noqday masuulkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda degaannada Gobolka Sool ee qabta xilka wasiirnimada Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dhinaca kale, qorshaha Maxamed Muuse Diiriye isku hortaagay fulinta digreetada Wasiir Faratoon, ayaa la sheegay inay salka ku hayso fadeexado musuqmaasuq baahsan oo si qarsoodi ah loogu kala iibsanayo dhul-daaqsimeed ballaadhan oo ku yaal deegaannada Woqooyiga caasimadda Hargeysa, waxaannu Wasiiru-dawlaha Amnigu gadh-wadeen ka yahay hawlgal la tuhunsan yahay inuu ka macaashay boqollaal kun oo doollar oo laga qaaday ganacsato dhul-doon ah, laguna sheegay in lagu aasayo ceelal dad shacab ah ka qodeen degaankaas.

Waxa maalmihii ugu dambeeyey ka jirtay degaannada woqooyiga Hargeysa xiisad ka dhalatay qorshahaas oo sababtay in la xidh-xidho dad kala duwan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degaannada Ceel-sheekh ee xeebta.

Wasiir-ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Daakhiliga Mr. Jaamac Cabdillaahi Biin oo masuul uga ah wasaaradda hawlaha maamulka gobollada iyo degmooyinka, isla markaana Wasiir Faratoon kala tashaday magacaabista iyo xil-ka-qaadista guddoomiyaha degmada Daarasalaam, ayaa hore ugu amray Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex inuu labadaas masuul xilka u kala wareejiyo maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 26 November 2016 oo ku beegnayd maanta, balse waxa qorshahaas si milgaha nidaamka dawladnimada ka baxsan u horjoogsaday Wasiiru-dawle Maxamed Muuse Diiriye.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.