Wasiirrada Ruushka, Maraykanka Iyo Imaaraadka Oo Itoobiya Bookhanaya

0
Wasiirrada Ruushka, Maraykanka Iyo Imaaraadka Oo Itoobiya Bookhanaya

Wasiirrada Ruushka, Maraykanka Iyo Imaaraadka Oo Itoobiya Bookhanaya

Wasiirka arrimaha dibadda ee Waddanka Ruushka Sergey Lavrov ayaa 8 Maarij bookhanaya Waddanka Itoobiya sida ay dhawaan sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya. Ujeedada Lavrov ayaa lagu sheegay sii kobcinta xidhiidhka labada Waddan waxaanu kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dalkaasi. Waxaanu dib u eegi doona heshiisyo hore oo dhanka iskaashiga oo labada dal dhex maray.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa isna safar ku gala bixinaya dhawr Waddan oo Afrika ah inta dhexaysa 6-13 Maarij. Waddanka Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka uu bookhanayo xoghayaha khaarajiga ee Maraykanka waxaanu socdaalkiisu imanaya iyada oo dhawaan safaaradda Addis Ababa ee Maraykanku ka hor timid xaaladda degdegga ah ee Itoobiya la galiyay. Sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka ayaa bishii January si xun u aflagaadeeyay qaaradda Afrika.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Isu Tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan ayaa isna 5-7 bishan bookhanaya Itoobiya. Waxa socdaalkiisa lagu sheegay in uu madaxda Addis kala hadlayo arrimo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo ka gobolka. Wuxuu socdaalkiisu imanaya maalmo kadib markii Itoobiya saami dhan 19% ku yeelatay dekedda Berbera ee Imaaraadku maamulo.

Arrinta indhaha lagu hayo ayaa ah socdaallada rasmiga ah ee ay wasiirrada Maraykanka iyo Ruushku ku imanayaan Itoobiya. Kulamada ay la yeelanayaan madaxda Itoobiya iyo hoggaanka Midawga Afrika ee fadhigiisu yahay Addis Ababa ayaa imanaya xilli Itoobiya ay gilgileen mushkilado gudaha ah, islamarkaana Maraykanku cambaareeyay hab dhaqanka dawladda. Masuuliyiintan ka socda quwadaha dunida ku loolama ayaa socdaalkooda indhaha lagu haya maaddaama Itoobiya xaaladdeeda lagu qiyaasay in ay isgoys taaggan tahay.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.