Wasiirkii Qurbajoogga ahaa iyo Saadaashii Ardayda – W/Q. Cabdiqani M. Cige

0

Waxa lagu jiray wakhti aad loo hadal hayay safar uu madaxweynuhu muddo ugu maqnaa carriga Ingiriiska. Waxa safarka Madexweynaha la socday koox wasiirro ah oo aad muhiim

ugu ah xukuumaddiisa. Sidoo kale intii madaxweynuhu dalka ka maqnaa waxa aad loo hadal hayay inuu isku shaandhayn ku samayn doono golihiisa wasiirrada, saami fiicanna ka siin doono qurba joogta.

Waa wakhti ay aad u kacsan tahay seefta mucaaradku oo fartii ay dawladdu qaaddaba ay dhaliilo xanaf leh ay daba dhigayaan. Haddaba markii uu madaxweynuhu dib uga soo laabtay safarkaas muddada qaatay waxuu u sheegay saxaafadda sidii loogga bartay inuu guul ugu soo dhammaaday oo ay qaddiyaddii Somaliland gaadhsiiyeen madaxdii Midawga Yurub. Safarkaa Madaxweynaha waxa la socday oo dalka u soo raacay qurba joog aad u badan oo dano kale duwan u socday; qaar mashaariic iyo dhaqaalo raadis ah, qaar mansab iyo wasiir raadis ah iyo qaar indho indhayn iyo dano kale u yimid.

Mid ka mid ah qurbo joogtaa maalintaa dalka timi iyo koox arday ah oo ka soo baxay jaamacad ay dhiganayeen ayaa ku kulmay dariiqa.  Ninkan qurbo joogta ah oo muddo yar ku sugnaa magaalada Hargeysa waxa uu wataa gaadhi nooca raaxada ah, waxa u daaran hees aad u macaan oo halaasi ah laguna ladhay muusiko si deggan loo tumayo.

“Waligeed adduunyada

Waqtigaa qof saacida

Midna waayaha xidha

Labadaasi waxaan aheyn

Horaa loogu waayoo

Waa nin iyo waagii…”

Waxa sidoo kale u dallacan afarta daaqadood oo si fiican loogu shaqlay xabagta madow een aan waxba laga dhex arag. Ninkan qurba joogga ah (oo aan inta danbe oo dhan ugu yeedhi doono wasiir) waa nin cas oo joog ahaan ragga dhexe ku jira. Waa cod kar meel fog laga maqli karo codkiisa, waa nin ay kalsooni badani ka muuqato. Faallada iyo falaqaynta sida uu u yaqaan waad yaabaysaa. Waa qurbaawi in badan dalka ka maqnaa oo xiiso iyo xamaasad u haya la sheekaysiga dhalinta gaar ahaa ardayda. Waxa uu u sharraxay sababta uu dalka u yimid iyo waxa ay ujeeddadiisu tahay, sheekadiina sidan ayay u dhacday:

Wasiirkii: waaryaadhaheen bal warrama, ma arday baad tihiin? Bal soo fuula gaadhiga.

Ardaydii: waannu fiicannahay, alle ayaa mahad leh. Haa arday baannu nahay oo waliba sannadkii u danbeeyay ayaannu jaamacadda ku jirnaa.

Wasiirkii: aaah, sax…sax… Wax barta sidaasaa dadku ku horumaraa, jiilkiinaa wax baranaya ayuun baa nasib dalkan ku leh. Imika dalkaa aan ka imi waxbarshada aad baa loo tixi galiyaaa, oo loo dhagaystaa, inaguna waynu gaadhi Insha Allah, lakiin hogaan xumo iyo dad xumo ayaa ina haysa oo ilaa aynu kuwaa badalno waxba qaban kari mayno.  Imika aniga iyo rag kaleba Madaxweynaha ayaa noo yeedhay oo UK ayaan dagnayn, waxuu nagu yidhi kaalay dalka ayaa idiin baahane.

Ardaydii: ma madaxweynaha ayaa ingiriiska idiinka yeedhay si aad wasiirro u noqtaan? Mise idinkaa dalka u soo shaqo tagay?

Wasiirkii: maya… maya… Annagu dalka umaano soo shaqo tagin oo wax nagu filanba ma yaalaan, laakiin dee dalka ayaa noo baahan oo aqoon yahan qurba joog ah ayaanu nahay, waxaanu is leehanay bal ummaddan liidata ee nidaamkii dawladnimo iyo sidii dunida loola macaamilayayba garan la’a bal in aad wax u qabtaan.

Ardaydii: dadkaas qurbaha ka yimaada ee xilalka loo dhiibo waxa inta badan ku adkaata inay fahmaan qaab siyaasadeedka bulshada, idinku sidee ayaad uga duwaanaan kartaan kuwaas hore?

Wasiirkii: adeer hore ayaan kuugu sheegay in aanaan soo shaqo tagin ee aanuu is leenahay horumar gaadhsiiya bulshadan qudhunka ah ee qabyaaladda dugsanaysa (decayed society), kuwaas ayaan guryahagii uga nimi oo aanu horumarkooda ka talinaynaa.

Ardaydii: ma laga yaabaa marka wasiiro laggaa dhigo in aad khilaaf iyo isqabsi noo hor seedo ka dibna aad habeen madow ka dhooftid dalka ileen baasaabooro caalimi ah ayaad sidataaye, anaguna aan khilaafkii danbarsano?

Wasiirkii: maya…maya… adeer waxaasi nagama suuroobaan, haddiiba ay dhacdo Alle (swt) kama dhigee dalka ayaan idinla joogaynaa oo aan khilaafka idinla dajinaynaa.

Ardaydii: imika ma isku shaandhaynta cusub ee la filayo ayaad ku jirtaa?

Wasiirkii: haa adeer, sidaas ayaan rajyanayaa.

Ardaydii: haye, haye… halkaas noo joog adeer, dee waanu kuu sii hambalyaynaynaaye bal waanu ku arki adigoo wasiir ah oo horumar noo hor kordhiyay.

Wasiirkii: waa si fiicane soo duceeya in alle igu guuleeyo, wixii danbana waynu wada socon doonaa insha Allah.

Dhawr usbuuc ka dib habeenkaas ayuu Madaxweynuhu seefta la dhex qaaday golihiisii wasiirada, waxa uu sameeyay isku shaandhayn balaadhan oo isgu jirta Isku bedal, xil ka qaadis iyo Magacaabis. Ninkii qurba jooga ahaa ee Wasiirka sugayay waxa uu nasiib u yeeshay inuu noqdo qofkii u danbeeyay ee madaxweynuhu qalinkiisu qoro, waxa loo magacaabay jago wasiir oo ku cusub xukuumadaas, waa wasaarad isku dhafnayd oo laba loo kala jabiyay. Wasaaradda qaybta laga reebay ayaa ah qaybtii muhiimka ahayd, isagana waxa loo dhiibay qaybtii kale oo aan wax la qabto oo meel sii yaalay aanu jirin marka laga tago hadhaagii waxqabadkii dawladii kacaanka ahayd ee Somalia, kuwaasina waa iskaraab biro u badan oo aan macno badan lahayn iyo guryo gaboobay oo meel taagan.

Sidaas ayuu saaxda siyaasada ku soo galay wasiirku, wakhtigaas uu ku soo biiray xukuumada waxa jiray mucaarad xoogan oo kabaha ka kululeeyay dawlada. Haddaba Wasiirka oo aftahan iyo hadal cadaan u dhashay ayaa si adag u difaaci jiray xukuumada uu ka tirsan yahay oo caan ku ahayd in qofkii mucaarad ah ee hadla uu u jawaabo mid reerkooda ah oo xukuumada ku jira. Wasiirku markii uu muddo yar xilka hayay ayaa khilaaf adagi soo kala dhex galay isaga iyo madaxweyne ku xigeenkii dalka, khilaafkaas oo reernimo iyo awoodo dano dhaqaale leh ku saabsanaa. In muddo aha ayuu Khilaafku huursanaa ilaa markii danbe uu gaadhay heer faro isku tag ah. Iyadoo khilaafku adag yahay ayaa lagu war helay in uu wasiirkii si qarsoodi ah uga dhoofay Hargeysa, gaadhayna cariga ingiriiska halkaasoo waraysi xanaf badan leh uu siiyay BBC-da qaybteeda afka soomaliga. Waxa uu ku xusay waraysigiisa khilaafku halka uu ku sal leeyahay isagoo eed culus dusha uga tuuray Madaxweyne ku xigeenkii dalka.

Maalintaas wasiirku sida dagdag ah uga dhoofay Hargeysa ayaa dib ii xasuusisay su’aashii ardaydu waydiisay ee ahayd, waxqabad ha joogee ma laga yaabaa inta aad khilaaf abuurto in aad habeen madow dhoofto? Dabcan sidaas ayayna u dhacday, waxay ahayd saadal su’aal ah oo rumawday.

 

Muddo yar ka dib waxa heshiis la dhex dhigay wasiirkii iyo Madaxweyne ku xigeenkii, dalkana dib ayuu ugu soo laabtay lakiin muddo dheer wasiir ma uu sii noqon ee waa la beddelay. Waraysi lala yeeshay muddooyin danbe oo la waydiiyay waxa ku dhacay horumarkii uu mar kasta dadka u balan qaadi jiray waxa uu yidhi “waxaan ogaaday in aan waxba loo qaban karin dadkam waayo waa dad aan horumarka u bislaannay, wixii aanu qaban lahayn dadka ayaanu ku laaluushi jiray”. Waxa uu ahaa wasiir aad u hadal cad oo aan weedha la gaban.

Wasiirku waxa uu dib ugu laabtay qurbihii, saaxadii siyaasadan dib looguma arag.

F.G: Akhriste sheekadan nuxurkeedu waa mid dhab ah oo ka dhacday magaalada Hargeysa wakhti hore.

04/04/2015

Cabdiqani Maxamed Cige

Email:fmcige@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.