Wasiirka Warfaafinta Puntland Oo Afka Furtay “Xabad iyo Dil Waxnaan Ahayn Inaan Weriyayaasha ka Doonayn”

0

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa si kulul uga hanjabay warbaahinta ka shaqaysa Puntland iyo wariyaasha, kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah warbaahinta ay waraysiyo kala duwan la yeelatay gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo dhaliilsan xukumadda Gaas.

Soocade oo khadka talleefonka kula hadlay wariye Jamaal Faarax Aadan ayaa sheegay sharci daro iyo xoog inay ku wadi doonaan warbaahinta isla markasna ay xabad u addeegsan doonaan sida uu sheegay.

Hadalka Wasiirka oo cadho darran laga dareemayay ayaa sheegay ineysan waxba u eegin doonin oo ay dil iyo xabad u addeeg sanayaan suxufiyiinta, arrintan ayaa ka kacdey ka dib markii uu soo saaray shalay qoraal uu warbaahinta madaxa banaan uga digayo inaysan wax xiriir ah la sameyn karin shaqsiyaad xiriiir toos ah la leh kooxaha Burcad badeeda iyo Daacisho.

DHAGAYSO hadalka wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo hanjbaad ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.