Wasiirka Warfaafinta Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Dhexmaray Iyo Wasiir Caddaani Oo Ay Caado Ka Noqotay Inuu Gacan Qaad Dagaal La Hollado.. Sidoo Kale Muuqaal Hore Loo Baahiyey Ayaa Muujiyey Wasiir Caddaani Oo Si Qaab Daran Looga Hayo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

0

Hargeysa (Sayruuq)Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga iyo Youtube-ka ayaa muujinayay laba masuul oo xukuumadda Somaliland ka wada tirsan oo dagaalamaya isla markaana la kala hayo.

Muuqaalka oo wakhti ka soo wareegay ayaa soo bandhigay wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo si qaab daran looga hayo guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay isagoo ku tiraabaya ereyo cadho ka muuqato.

 

 

 

Inkasta oo ereyada uu ku dhawaaqayo wasiirku ee muuqaalku soo bandhigay aanay ahayn qaar waadix ah ama si fiican loo maqli karayay hadana waxaa ereyadaas waxa ka mid ahaa “dayn maayo” iyo “wallahi wallahi” .

Geesta kale waxaa jira dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray wasiir Caddaani-ga warfaafinta iyo Agaasimaha wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) kaasoo ku salaysnaa qaabka baahinta tooska ah ee ciyaaraha gobolada Somaliland, waxaana sidaas si lamid ah gacanta la holaday wasiirka oo dadkii goobta ku sugnaa ay qab-qabteen.

Waxaa xusid mudan inuu hab-dhaqankani dhaawac u gaysanayo milgaha dawladnimada iyo dabeecadda shakhsiga ah loona baahan yahay inuu Madaxwaynuhu ka fiirsado shakhsiyadda qofka uu xilka qaranka u igmanayo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.