Wasiirka Tamarta oo Faafaahin dheeraad ah ka Siiyey Golaha Wakiiladda Xeerarka Shiidaalka ,Dakhliga shiidaalka iyo Xeerka Macdanta Oo Golaha Horyaala .

0

Hargaysa(Sayruuq)-Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Md Eng.Xuseen Cabdi Ducaale ayaa saaka mudanayaasha golaha wakiiladda faafaahin dheeraad ah ka siiyey Xeererka shiidaalka ,Xeerka dakhliga Shiidaalka iyo xeerka Macdanta oo Golaha wakiiladda horyaala .

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta oo ay weheliyaan Wasiirku xigeenka Wasaarada Maaliyada Md Cali dhagoole , Agaasimaha guud ee Wasaarada Tamarta iyo Macdan Md Siciid Axmed Jibriil ,agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Eng Cumar iyo Sharciyaqaanka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Mr Xasan Faarax ayaa hortagay golaha wakiilada fadhigoodii maanta oo taariikhdu tahay 16/4/2017.

Waxaanay halkaa wasiirka iyo masuuliyiintii lasocotay xildhibaanadu ku weydiiyeen su`aalo tiro badan oo ku tacaluqa xeerar qabyo qoraala oo kala ahaa xeerka qabyo qoraalka shidaalka , xeerka qabyo qoraalka dakhliga shidaalka iyo qabyo qoraalka xeerka macdanta kuwaas oo wasaarada Tamarta iyo Macdantu hore ugu soo gudbisay golaha wakiilada 2/4/2017 isagoo wasiirkunu dhankiisa si waafiya oo cilmiyeysan mid mid ugaga jawaabay su`aalihii mudanayaasha goalaha wakiiladu weydiiyeen ee ku saabsanaa xeerarka iyo hawlaha kale wasaaradda wado gaar ahaan sahaminta shiidaalka ee dalka ka socata ,iyagoo xildhibaanadu u muuqdeen inay ku qanceen jawaabaha wasiirka.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Md Eng.Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu xusay in xeerkan curintiisa ay la kaashadeen shirkadda caalamiya isla markaan dalku uu baahanyahay anisixinta xeerkan .
Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale uu Xusay in laga taxadiray ilaalinta deegaanka isago carbka ku adkeeyay in dalka shiidaal ku jirro dhawaan la heli doono insha allah .

dhinaca kale waxay xildhibaanadu su`aalo weydiiyeen wasiirku xigeenka wasaarada maaaliyada md. Cali dhagoole iyagoo wax ka weydiiyey sida wasaaradii u maamulidoonto dakhliga shidaalka , wasiirku xigeenka ayaa isaguna dhinaciisa xildhibaanada si faahfaahsan ugaga jawaabay su`aalahII Xildhibaanada.

Ugu danbayntii fadhigii maanta ee golaha Wakiilada oo uu shirgudoominayey mudane baashe maxamed faarax ayaa ku soo gebo geboobay jawi degan oo qurxoon

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.