Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Oo Macahadka Shaqaalaha Dowladdu Gudoonsiiyey Bilad Sharaf.

0

Hargeysa (Sayruuq)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo loo qabtay 214 Arday oo ka qalinjebiyay Machadka Shaqaalaha Dawlada (Civil Service Institute) ahna dufcadii shanaad ee ka baxda machadka ,Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jsl Mudane Eng Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Maanta halkaas bilad sharaf lagu gudoonsiiyey xafladda qalanijabinta .
biladan oo ay Macahadku ku tilmaameen inuu Wasiirku ku Mutaystay tayanta iyo horumarinta kobcinta xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo markii u horeysay tobaabar sideed Bilood ah uga socdaan Macahdkaasi hadana ay dhameysteen kala badh maadooyinkii logu toobabarayey .

 

Macahadka ayaa ku abaal mariyey dedaalka iyo kartida ay u muujiyey Wasiirku isagoo xidhiidh dhow kala yeesha Macahadka ka warhaynta iyo teyeynta shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jsl .


Biladda sharafka wasiir Xuseen Cabdi Ducaale Lagu Maamuusay ayaa waxaa gudoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo , sido kale Madaxweynuhu waxa uu shaahaadooyin gudoonsiiyey masuuliyiin dhawra oo Macadka Shaqaalaha Dawladu ku abaal mariyey dedaalka iyo kartida ay u muujiyeen machadkaasi mudadii uu shaqaynaayey.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.