Wasiirka Macdanta Oo Kooxdda Wasaaradda Gudoonisiiyey Qalabka Ciyaaraha .

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa qalabka ciyaaraha ee kubada kolayga gudoonsiiyey kooxda ku ciyaarta magaca wasaarada macdanta iyo tamarta.
Wasiirka macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo hadal kooban u jeediyey ciyaartoyga ku ciyaarta magaca wasaaradaasi ee kubada kolayga ayaa waxa uu sheegay inuu garab taagan yahay kooxda isla markaana ay meel fiican ka gaadhaan xirfadooda,waxaanu wasiirku tilmaamay inuu qalabkan ugu tala galay sidii uu dhiiri gelin ugu noqon lahaa ciyaartoyga kubada kolayga ee ku ciyaarta ee magaca wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland.
mcdn
Wasiirka macdantu waxa uu ciyaartoyga kubada kolayga ee magaca wasaaradaasi ku ciyaara ku hanbalyeeyey tartanka kubada kolayga ee bisha ramadaan oo ay wacdaro ka dhigeen isla markaana ka mid noqdeen afarta kooxood ee iskugu soo hadhay wareega semi final-ka ee koobkaasi, waxaanu kula dardaarmay inay sii wadaan dedaalka isla markaana waxa uu ku dhiiri geliyey inay dedaal badan muujiyaan si ay ugu guulaystaan tartankan koobka bisha ramadaan.
mn

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.