Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Ka War Bixiyey Socdaal Uu ku Tagay Wadanka Talyaaniga iyo Natiijada Uga Soo Baxday

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ka war bixiyey safar uu ku tagay wadanka Talyaaniga.

Wasiirka macdanta iyo tamarta oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa kale oo uu ka waramay shir uu kaga qayb galay wadanka Ingiriiska kaas oo la xidhiidha aqoonsigii ay somaliland ka heshay golaha deegaanka Tower Hamlet oo lagu qabtay dalka Ingiriiska.

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ku maqnaa socdaal qaatay mudo toban cisho ah oo aan ku soo maray dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga, socdaalka qaybtiisa hore waxana ku tagay wadanka Ingiriiska aniga oo uu I wehelinayo wasiir ku xigeenka arimaha dibada Ingiriiska ayaa waxaanu ka qayb galnay munaasibad loo qabtay aqoonsigii ay somaliland ka heshay Tower Hamlet.”

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay socdaalkii uu ku tagay wadanka Talyaaniga waxaanu yidhi “socdaalkii aan ku tagay talyaanigu waxa uu qaatay shan cisho, waxaanan ku tagay martiqaad rasmi ah oo aan ka helay shirkado doonaya inay mashaariic ku saabsan tamarta ka hir geliyaan somaliland, mudana samaynayey daraasad aanu ka wada soconay oo la xidiidha dabaysha dalkeena ka dhacda, xawligeeda iyo in laga dhalin karo tamar ganacsi gali karta, daraasadaas oo niman khubaro ahi muddo ka shaqaynayeen kuwaas oo imika ku qancay in dabaysha dalkeena ka dhacda iyo inta aynu sanadkii heli karno dabayl iyaga oo daraasada ka samaynayey magaaladda Hargeysa , waxaanay ku qanceen in dabaysha laga dhalin karo koronto laga ganacsan karo.”

The_Somaliland_energy_minister_discusses_engineering_with_Students_at_Padova_University ducaale

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Shirkada hawshan nala qabanaysay ee arintan qaban qaabisay oo dalkana muddo ka samaynayey daraasada dabaysha waxa la yidhaa Thing Global, waana niman khibrad u leh dalka oo fahmay xasiloonida dalka iyo amnigiisa iyo inuu yahay dal wax laga qaban karo, kuwaas oo ku qanciyey shirkadihii la xidhnaa in dalkani uu yahay dal la maal gashan karo.”

wasiir xuseen

Ugu danbayna Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ka hadlay natiijada uu ka filan karo socdaalkii uu ku tagay talyaaniga waxaanu yidhi “Natiijada ka soo baxday socdaalkayga waxa weeyaan dal aynaan hore wax xidhiidh ah la yeelan, waanay jirtaa inay wasaarada arimaha dibbadu ay baxeen oo ay shirar la yeesheen wasaarada dhigooda ah laakiin wax ku saabsan mashaariic horumarineed oo aynu ugu tagnay dalka Talyaaniga waa kii ugu horeeyey, waxaanan ku rajo weynahay inay natiijo inooga soo bixi doonto.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.