Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somaliland Iyo Somaliya Uga War Bixiyey Mashaariicda Tamarta

0

Hargeysa(Sayruuq):-Wasiir Xuseen Cabdi ducaale ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waftiga Ergayga gaarka ah ee xooghayaha Qaramada Midoobay Somaliland iyo Somalia u qaabisan Mr Micheal Keating, isagoo ujeedada booqashadiisuna ku salaysneyd inuu xogoogal u noqdo qaabka somaliland uga faa`iidaysato tamarta laydhka cusboonta ee laga dhaliyo cadceeda iyo dabaysha oo dhamaan gobaladda somaliland si hufan looga isticmaalo iyo gaar ahaan mashaariicadda ay maalgaliso haydda Difid .

Wasiir Xuseen ayaa so dhaweynta ka dib ka waramay ujeedadda Ergayga iyo sida ay somaliland geeska afrika ugu noqtay meelaha lagaga daydo dhanka tamarta cusboonta waxanu yidhi “halkan waxaan maanta ku qaabilnay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha qaramada midoobay uqaabilsan dalalka Somaliland iyo Somalia Michael Keating ,farxad weyn bay runtii noo tahay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta imaatinka Ergyaga oo isagu dalbaday inoo yimado oo nagu soo siyaarto wasaaradda isagoo aad u danaynaaya mashaariicid ay noo maalgalisay Difid oo taaba galay aadna u soo dhaweeyay”

Isago hadlakiisa sii wata waxaa u sheegay wasiirku sida ay ugu heelanyihiin in la maalgashado tamarta “waxaan jecalnahay in jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa waxyaabaha tamarta ku saabsan ee horumarinta leh in ay qeyb nagala qaataan ,ergaygu waxa uu arkay madaxweynaha ahmiyada ugu weyn ee u dalka u yimadna waa ka qeyb qaadashadda arrinta culus ee abaaraha indhihiisana ku soo arko”.

“Ergayga oo maqal ka soo gaadhay arrimaha hurmarka leh ee mashaaricda ku dayashada leh ee tamarta cusboonta ee Somaliland ka jirra ,taas oo Somaliland horumood ka tahay geeska afrika dhanka tamarta cusboonatta ,sida la ajligeedna wuu inoogu yimid ergaygu si aynu ula wadaagno arrinta dhaxalgalka ah ee inoo hirgashay”

Ergayga xooghayaha qaramda midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa isugana dhankiisa halkaas ka soo dhaweeyay mashaaricadda ka socda dalka oo ay ugu horeyso mashaaricadda ay Ingriisku ka fulinayaan 6 dagmo oo Somaliland ka tirsan oo kala ah : Badhan,sheikh,Boorama ,Buuhoodle ,Burco iyo Gabilay ,waxaanu ku dheeraday ahmiyadda ay tamarta cusboonta geeska iyo adduunkaba u leedahay “tamarta cusboonta waxay saaxib la tahay deegaanka waxayna la dagaalanta faqriga waa hurmar laxaad leh oo ku dayasha leh waxay wasaaraddan tamarta iyo Macdanta Somaliland hirgalisay waxayna u noqonaysa mandaqadda ku dayasho iyo wax lagu faano.

Ugu danbeynti waftiga ergayga ayaa soo kormeeray solar wasaaradda Tamarta iyo Macdanta dhismahooda laydhka u shida oo dowlada imaaradku u sameysay .

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.