Wasiirka Maaliyadda:Guushaadu waxay ku xidhan tahay sidaad ugu dhiirato wax ka qabashada qodobadan: Wariye Barkhad-ladiif

0

Qoraalkii hore ee aan wasiirka Maaliyadda tallo ku siinayey caqabadaha hor yaalla iyo sida uu uga bixi karo,maadaama oo tusaale u yahay dhalinyaradda xilka loo dhiibayo, isla markaana loo baahan yahay in qarankan uu qof walba wixii uu u qaban karo tallo iyo xoog wax ku darsado waxay ila noqotay si nuxurka qoraalka dadka ugu fududeeto in la wada akhriyo, maadaama oo dadkeenu caajis ka yihiin xaga wax akhriska inaan qoraalkii dheera u kala jabiyo, waana qaybtii ugu dambaysay soo jeedinta ahayd ee ku socotay wasiirka.
Inta badan waxa wasaaradaheena ka dhaca in marka uu wasiir cusub wasaarada la keeno in agaasime waaxeedyadda lacagta ka ag dhow markiiba wasiirka waxay u laabaan wax la yidhaahdo xagal dejiin oo isha wasiirka la iskaga leexinayo la iskuna barayo, wuxuuna wasiirkaasi noqda af wax cunay cishoo, ka dibna waxay noqdaan indhihiisa iyo dhagihiisa wax aan iyaga ahayna ma maqlo mana arko, taasina waxay wasaaradaha gayeysiisay in wax isbedel ahi ka dhicin wasaaraddii wasiir uun baa wasiir bedela, laakiin shaqo xumaddii waa halkeeddii wixii laga cabanayey waa sidiisii.
Wasiir wasaaradda Maaliyaddu waa udub dhexaadka dawladnimadda, hadba sida ay u shaqayso uun buu qarankanka horumar u gaadhay, haddii aad doonayso in hawshaasi lagu xil saaray si fudud kugu hirgasho waa inaad qodobadan hoos ku qoran oo ah caqabadaha ku horyaalla wax ka qabataa:
Guushaadu waxay ku xidhan tahay sidaad ugu dhiirato wax ka qabashada qodobadan:
1. Wasiir haddii aad doonayso inaad wax qabato waa in dhamaan maamulayaasha iyo qasnad hayeyaasha aad wada bedesho kuna bedelo dhalinyaro cusub oo dardar hor leh wadata.
2. Waa inaad dhisdo waaxdii kastamadda sida uu dhigayo xeerka kastamadda waana inaad ilaaliso qaab dhismeedka wasaaraddu iyo sida ay u kala sareeyaan oo aanu wasiirku soo dhaafin nidaamka dawladeed ee qaab dhismeedka wasaaradda, maxa yeelay wixiii Maxamed Xaashi ka dambeeyey waaxdii kastamadda lagama shaqaysiin, waxaana si toos ah wasiirku ula xidhiidhayey maamulaha kastamadda.
3. In markasta oo muddo la joogo uu wasiirka cusub hawlgaliyo meertadda shaqadda oo aanu maamule kastan meel lagu ilaawin oo kolba meel loo bedelo si u kala go’aan xidhiidhka uu ganacsatadda la samayn lahaa oo uu kolba kastan kale loo bedelo waana nidaamka dakhligii dawladdu ku soo xaroon lahaa.
4. In ganacsatada loo sameeyo diiwaan loo kaydiyo oo ah sida cashuurta dawladda u kala bixiyaan looguna tixgaliyo hadii dhul dan guud ah la iibinayo ama adeeg kale oo dawladdi u baahan tahay hadii ganacsatado rabto loo tixgaliyo sida cashuurta dawladda loo kala bixin badan yahay, taasina waxay keenaysa In ganacsataddii u tartamaan inay cashuurta bixiyaan.
5. In wasiirku sameeyo kormeer joogta ah oo wakhtiyo kala duwan uu si kadis ah u booqdo goobaha dakhliga uga soo baxo.
6. Inuu sameeyo Odhadkii gudaha oo madax banaan oo wasaaradda gudaheega odhadkeedu hawlgalaa.
7. In la cashuuro shirkadaha ugu dakhliga badan ee Isgaadhsiinta oo qaarkood shan boqol oo milyan sanadkii macaashaan taas oo haddii dawladdu ka qaadi lahayd 120 milyan waxtar weyn u ahaan lahayd, hadda lama cashuuro marka laga reebo biraha dhaadheer iyo dhismayaashooda mooyee, waxaana dawladdu ka heli lahayd dakhli badan.
8. Tan iyo intii ay soo baxeen lacagaha Mobiladda ee loo yaqaan Zaad-ka iyo Edahabka waxa qiimo jabay lacagtii Shiling Somaliland, sidaas darteed hadii danta shacabka la eegayo waa in gabi ahaanba la joojiyaa boqolka dolar wixii ka yar in dollar lagu isticmaalo .
9. Sidoo kale, waa in la cashuuro Zaadka iyo Edahabka oo ah Bangiyo gaar ah oo kayd ah.
10. In aad ku cadaadiso in Baanka dhexe la socda lacagta wareegaysa Mobilidda,isla markaana sida dalalka isticmaalka mibile ka lacagta Banka dhexe uu isagu xadiddo lacagta suuqa lagu siidaynayo ee dhex wareegaysa hadii kale waxay ka dhigan tahay sidii qof mishiintii lacagta guriga dhex dhigtay oo kolba inta uu doono daabacanaya, cidi ma oga inta Digit ee u xisaabsan ee lagu bedealyo lacagta adag, marka arrintaasi waxay u baahan tahay go’aan adag oo shirkadaha lagu xakameeyo oo mid walba hogaanka loo siideyn waana caqabadda ugu weyn ee wasiirka hor taalla sida uu qiimaynayo danta guud ee shacabka iyo shirkaha macaashka doonta ah ee wax walba ka horeysiinaya faa’iidadoodda.

Wariye:Barkhad-ladiif M.Cumar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.