Wasiirka Khaarijiga Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Shalay Ka Soo Yeedhay Dawlada Somalia Oo Ku Aadan Doorashooyinka Dalkaa.

0

Hargeysa(Sayruuq)-Xukumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeedhay Somalia oo ka aadan sidii doorashada Somalia ay uga qayb gali lahayd Somaliland. Wasiirka khaarajiga ayaa tilmaamay inaanay Somaliland shaqo ku lahayn arrintaasi.

“Warka ka soo baxay Muqdisho waxba kama jiraan. Somaliland-na waa dal madaxbanaan oo muddo 25 sanno ah ka maqnayd oo aan shaqo ku lahayn dalkaas Somalia. Labada wadan ee Somaliland iyo Somalia waxaa u socda wada hadal ku saabsan sidii ay u kala tagi lahaayeen,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga oo wargeyska Himilo u waramay.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Doorashooyinka Somaliland waxay dhacayaan sanadka 2017-ka, mana jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya doorashooyinka Somaliland iyo Somalia. Sidaas darteed beesha caalamku way ogsoon tahay in Somaliland ka madax banaan tahay Somalia.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.