Wasiirka Khaarajiga Kenya Oo Sheegtay In Somalia La Soo Noqonayso Kiiskii Muranka Badda Ee Ay U Gudbisay Maxakamadda Qaramada Midoobay

0

Nairobi(Sayruuq)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya, Aamina Maxamed, waxay u sheegtay Baarlamaanka Kenya in ay Dowladda Soomaaliya ka heshay ballanqaad muujineya in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay la soo noqoto dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan muranka soohdinta badda, si khilaafka looga dhammeeyo dhexdhexaadin ka baxsan maxakamadda qaramada midoobay oo haatan diyaarinaysa inay dacwaddaasi dhegaysato.

 

Siddeed goobood oo ay Kenya shaacisay in shidaal laga baadhayo oo ay qaar heshiis kula gashay sharikado, 7 ka mid ahi waxay ku yaallaan badda lagu muransan yahay. Mid keliya ayaa ah badda loo aqoonsan yahay Kenya.

 

Xukumadda Somalia ayaa maxakamadda caddaaladda ee TheHague waydiisatay inay go’aan ka gaadho muranka u dhexeeya Somalia iyo Kenya ee ku aaddan xuduudka badda ee u dhexeeya labada dal, halkaasi oo la isku maandhafsan yahay, waxaana arrinta sii murgiyay khayraad dabiici ah oo halkaasi laga helo.

“Xukumadda Federalka ah ee Somalia waxaanu ka helay balan qaad ah inay kiiska ay u gudbiyeen New York ee inaga inaga dhanka ah la soo noqonayaan, si meel dibadda ka ah maxakamadda loogu xalliyo arrinta” ayay tidhi Aamin Maxamed Wasiirka Khaarajiga Kenya oo la hadlaysay baarlamanka dalkeeda.

 

Xukumadda Somalia, ayaan arrintan wali ka hadal, waxaana hore u jiray wada hadalo labada dal arrintan ka yeesheen oo la isku afgaran waayay.

Warbaahinta Business daily oo baahisay warka wasiirka khaarajiga Kenya arrintan kaga hadashay ayaa sheegtay in Kenya 8 goobood oo Salliidda iyo gaaska qani ku ah heshiis kula gashay kambaniyo waaweyn balse sideeda goobood 7 ka mid ah ayaa ku yaala aagga lagu muransan yahay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.