Wasiirka Gaashandhiga Oo U Kuur Galaya Xaaladda Ciidanka Qaranka Somaliland

0
Wasiirka Gaashandhiga Oo U Kuur Galaya Xaaladda Ciidanka Qaranka Somaliland

Wasiirka Gaashandhiga Oo U Kuur Galaya Xaaladda Ciidanka Qaranka Somaliland

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid), oo ay wehelina yaan hogaanka hawl galinta ciidanka qaranka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarada gaashaandhiga oo u kuur galaya hanaanka iyo xaalada ciidanka qaranka ee fadhiisimadoodu yihiin deegaanada xeebta ee dhaca dhanka waqooyi ayaa habeenimadii xalay kormeerkooda ka bilaabay deegaanka Fuguxo oo ay dagan yihiin ururka ciidanka qaranka ee HORSEED.

“Waxaad tihiin geesiyaal qaranku ku faano oo qayb libaaxle ka qaatay dhisida iyo dhawrida Jamuuriyada Somaliland waxaanan idinku amaanayaa sida wanaagsan ee aad uga shaqaysaan ilaalinta amniga iyo xoojinta xidhiidhka ciidanka iyo shacabka’’
Ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateey(Fariid).

Waxaana waftigu sidoo kale socdaal ku mareen deegaanada , Lughaya, Bariisle ,Lawyo-caddo, Geerisa, Madax-dadlay, Xariirad
Iyo deegaano kale oo badan oo katirsan gobolka Salel halkaasoo fadhiisimo kala duwan oo ciidanku halka ku leeyihiin waftigu khudbado uga jeediyeen ciidamada degen .

Waxaana waftiga sidoo kale qeyb ka ahaa maamulka heer gobol iyo heer degmo ee deegaanada waftigu mareen .

Daawo Sawirro

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.