Wasiirka Duulista “Waxaan Leeyahay Han Madaxweyne”

0

Hargeysa(Sayruuq)- Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inuu leeyahay han heer madaxweyne ah. Waxa uu sheegay inuu 20 ku bilaabay siyaasadda wakhtigaasi oo uu ku biiray SNM, balse waxa uu meesha ka saaray inuu ka mid yahay siyaasiyiinta wakhtigan Madaxtinimada u xusul duuban.

“Siyaasadda kamaan bilaabin wasiirnimo, waxaan ka soo bilaabay meel hoose. Waxaan ka soo bilaabay anigoo 20 jir ah oo dugsiga ka baxay baan ku biiray ururka SNM ee halgankii xornimada. Waxaan ka soo bilaabay anigoo maamule ka soo qabtay, buurtaas dheer ee halka ugu sarraysaa Madaxweynaha tahay  hoosta ayaan ka soo fantay. Maayar baan soo noqday, xildhibaan baan soo noqday, yacnihii hanweyn baan leeyahay, dabcan qofka bani’aadamka ahina han buu leeyahay, hanweyn baan leeyahay waxaan qabaa inaan hogaamin karo ummad balaadhan, inaan horumar balaadhan samayn karo laakiin, hankaygu waa mid waaqica ka turjumaya, ma degdegsani oo ma lihi imika ayaan sharaxanahay laakiin ma han li’I” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiirka ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda xilli uu kormeer  ku marayay Madaarka Cigaal iyo wasaaradda duulista ee uu madaxda ka yahay. Wasiirku ma sheegin xilliga uu sharaxan yahay maadaama ilaa hadda xisbigiisa Kulmiye uu sharaxan yahay Madaxweyne Siilaanyo.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.