Wasiirka Caddaaladda Oo La Kulmay Safiirka Jabuuti

0
Wasiirka Caddaaladda Oo La Kulmay Safiirka Jabuuti

Wasiirka Caddaaladda Oo La Kulmay Safiirka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Eng Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Hargeysa Amb Xuseen Cumar Kawaaliye. Labada masuul ayaa wada yeeshay kulan muddo qaatay oo lagaga wada hadlayay arrimo ku saabsan iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga wasaaradda Caddaaladda Somaliland ee Facebook waxa lagu sheegay in labada masuul isla eegeen dhinacyada kala duwan ee labada dal iska kaashadaan, iskuna afgarteen in la sii xoojiyo xidhiidhka walaaltinimada iyo ehelnimada leh ee labada dal. Wasiir Cabdiqani Caateeye ayaa safiirka Jabuuti uga mahadceliyay bookhashada uu ugu yimid una ballanqaaday in Somaliland diyaar u tahay sii xoojinta xidhiidhka togan ee ay la leedahay Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waraysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay in Somaliland iyo Jabuuti leeyihiin xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo lana sii xoojin doono mustaqbalka isaga oo meesha ka saarayay hadallo siyaasiyiin reer Somaliland ah ku dhalliileen Jabuuti.

Somaliland iyo Jabuuti oo daris ah ayaa iska kaashada dhinaca ammaanka iyo isu socodka bulshada iyada oo dhawaan la fududeeyay isu socodka xuduudka labada dal lana dhimay lacago laga qaadi jiray dadka oo cabasho ka timid.

Wasiirka Caddaaladda Oo La Kulmay Safiirka JabuutiWasiirka Caddaaladda Oo La Kulmay Safiirka JabuutiWasiirka Caddaaladda Oo La Kulmay Safiirka JabuutiWasiirka Caddaaladda Oo La Kulmay Safiirka Jabuuti

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.