Wasiirka Cadaaladda Oo Ka Dareen Celiyey Xilka Loo Dhiibay .

0
Wasiir Ka Hadlay Arrinta Ganacsade Geelle

Hargeysa(Sayruuq)- Waxaa iska soo daba dhacaaya dareenka wasiiradda cusub ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay khamiistii 14-12-2017 kuwaas aqoonyahanka uu u soo xulay wasaaradaha dalka iyo shicibkoodu isku baranaayeen ,shabakadda wararka ee Sayruuqnews ayaa waraysi gaar ku waydiisay wasiirka Cadaaladda Jamhuuriyada somaliland Eng.Cabdiqani Maxamuud Caateye Fariid Dareenkiisa ku aadan xilka loo magacaabay  waxaanu yidhi “waxaan ugu horeyn u mahadnaqayaa Ilaahay Swt marka labaad waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ,xilka uu ii doortay ee wasiirka wasaaradda Cadaaladda somaliland ,waxaan uga mahadcalinayaa xilka culus ee uu iidhiibay ee cadaalada somaliland ,insha allah ilaahayna hayga yeelo xilkaasi mid ka soo baxa oo ha igu asturo ,cadaaladdu waa tii uu Madaxweyuhu ololihii ku soo celcelin jiray markaa waxaan jecelahay inaan sideeda uga soo baxo insha allah “.

Wasiirka Cadaaladda ayaa sido kale waxaa uu bulsha somaliland ka codsaday in ay igu soo duceeyaan in xilkaasi loo dhiibay Alle ku soo asturo “waxaan kalo halkan ka codsanayaa dhamaan bulsha weynt reer somaliland ehel iyo asxaab iyo qaraababa in ay xilkaasi culus iguu soo duceeyaan”.

Sayruuqnews

Xafiiska-Hargeysa

contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.