Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Oo Sheegay In Dalalka IGAD Mideeyeen Aragtidooda Somalia

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ka mid ahaa Wasiirada Arimaha dibedda ee dalalka IGAD ee Sabtidii ku kulmay Muqdisho ayaa sheegay in Ujeedada Shirkaasi ay ahayd sidii Mujtamaca loo tusi lahaa amaanka soo kabanaya ee Muqdisho iyo inay tahay mid la tagi karo.

Waxa uu sheegay in Waddamada Bariga Africa ee Somalia jaarka la ah iyo kuwa kale ee IGAD ku bahoobay mideeyeen arragtidooda ah sidii Somalia loogu taageeri lahaa sidii ay dib ugu soo kaban lahayd.

“Muddadii ay IGAD jirtay lama arag Shir intaas oo wasiirada IGAD ahi iskugu yimaadaan,Arrintaasina waxay tusaale u tahay in Muqdisho wax iska badaleen xagga amaanka iyo horumarka, waxaanad arkaysaa in Dadweynihii Soomaaliyeed aad ugu mashquulsan yihiin dib u dhisida Magaaladooda. Dawladda Somalia-na waxay u dhigtay salka oo waxaad arkaysaa siday u socdaan Maamul goboleedyada iyo Ciidamadii oo dadaal ku jira”

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, waxa uu sheegay inay Waddamada IGAD wax ka badaleen hanaankii danaysiga ku salaysnaa ee ay Somalia u wajihi jireen “Barigii hore Mawduuca dib u heshiisiinta Somalia, waxaynu arki jiray dalalka IGAD oo is jiid-jiidanaya oo Dano kala duwan leh oo Masaalix kala duwan leh, wixii ay arrimahaas iyo danahaasi ku dambeeyeena waan ognahay oo Danihii Somalia ayuun baa ku lumay.maanta waxaa la arkayaa Wadamada IGAD oo arragti mid ah iyo Af mid ah leh, waxaana la arkayaa in Bilawgii iyo Midhihii hadda soo baxayaan” ayuu yidhi Wasiirka Jabuuti.

Shirka IGAD oo muddo saacaddo ah ka socday Hotel-ka SYL oo u dhaw Madaxtooyada waxaa intii uu socday ku ag dhacay dhawr Gantaal oo Al-shabaab sheegatay, waxaana Wasiirada oo Duhurkiiba ka dhoofay Muqdisho Xukumaddu ku faantay inay nabad kaga ambabaxeen horena aanay arrintan oo kale u dhicin.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana la xidhay wadooyin badan oo socodka gaadiidka iyo Bulshada laga mamnuucay. Warmutiyeedka ka soo baxay ayaa u muuqday mid dibada lagu soo diyaariyay balse goobta lagu soo bandhigay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.