Wasiiradda Xanaanadda Xoolaha Iyo Deegaanka Oo Dadka Reer Guuraagga Ah Fariin U Diray

0

Hargaysa(Sayruuq)-Wasiiradda Wasaaradaha Xanaanadda Xoolaha Iyo Deegaanka,ayaa Bulshadda reer guuraaga ah ee ay Nimacadda Roobku gaadhay ugu baaqay inay soo dhaweeyaan xoolo-dhaqatada kale ee aaanay wali dhulkooda roobku ka da’in.

marwo shukri baandare

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo; Shakri Xaaji Ismaaciil Baandare,oo maanta la hadlaysay Wariye ka tirsan Idaacadda Radio Hargaysa,ayaa sheegtay inay indhaheeda kusoo aragtay dhibka iyo abaarta xoogan ee ka jirta deegaanadda Waqooyiga Dalka,kuwaas oo ay sheegtay inay Xoola-laydii si weyn uga soo hayaameen,iyaga oo beegsanaya dhinaca oogadda oo ay roobabku gu’gu haatan si weyn uga curteen.Wasiirka ayaa usoo jeedisay Bulshadda Xoola-dhaqatada ah inay is-kaalmeeyaan oo si wanaagsan loo soo dhaweeyo dadka deegaanadooda kasoo hayaamay ee soo beegsaday dhibaca roobka.

Dhinaca kalena,Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Md.Cumar Sheekh Maxamed Faarax,ayaa uga digay Bulshadda reer miyiga ah in aanay xoolaha ka xidhan dhul-daaqsimeedka aan dalagga lagu beerayn,waxaana uu intaas raaciyay inay Wasaaradiisu talaabo adag ka qaadi doonto cidii isku dayday fal noocaas ah.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa si weyn uga da’ayay Badibada goboladda iyo degmooyinka Dalka roobab laxaad leh oo dad iyo duunyaba si weyn loogu diirsaday.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.