Wasiiradda Bariga Iyo Galbeedka Somaliland Oo Taageray Garab Ka Mida Ah Sonyo,Garabkii Kale Oo Haldhig Ka Dhigtay Save SONYO+Jahwareerka Dhalinyartu ka Qaaday Arinka Xukuumadda .

0

Hargeysa(Sayruuq)- Garabyada ku loolamaya Hogaanka Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa Munaasibado kala duwan ku qabsaday Hargeysa.

 

Garabka Xukumadda iyo hogaankii hore ee SONYO taabacsan yahay ayaa Munaasibad xilka loogu tirinayo ku qabsaday Hotel-ka Maansoor ee Hargeysa.xukuumaddawaxaa Munaasibada Xilka loogu tiriyay Musharax Siyaad Cumar Cali waxaa ka qayb galay Hogaankii hore ee SONYO,Xubno wasiiradda Siilaanyo ka tirsan,Gudoomiyaha Kulmiye iyo Musharax xigeenka Ucid.

 

Munaasibaddaasi waxaa lagu sheegay in Hogaanka Sharciga ah ee SONYO yahay Garabka Mr Siyaad Cumar Cali.waxaa lagu sheegay in Xilkaasi loogu doortay aqlabiyadda codayn ka dhacday Xarunta Dalladda SONYO.

 

Dhinaca kalena Garabka Gudoomiyaha u doortay Cabdicasiis Xirsi Warsame,oo Shirweynihii dalladda ee 7-aad ee dayaaqadii sanadkii hore ka qabsoomay Hotel Ambasaddor-na haystay aqlabiyadda ayaa Xil wareejintaasi cambaareeyay.

 

Munaasibad Dhalinyaro tiro badani iskugu soo baxday oo ka dhacday Hotelka Royal ee Hargeysa waxaa lagu cambaareeyay Xil wareejinta Xukumaddu u samaysay Hogaanka ay sharci darrada ku tilmaameen. Dhalinyaraddan oo sita Boodhadh ay ku qoran tahay “Badbaadi Sonyo”(Save SONYO), ayaa Wasiirka Ciyaaraha ku Eedeeyay inuu Da’yarta kala qaybinayo.

 

“Mudane Madaxweyne Dhalinyaradii aad Cududooda midaysay ee aad caqligooda midaysay ee aad Hamigooda midaysay ee aad hadafkoodii iyo hamigoodii kor u qaaday Maanta Wasiirka Ciyaaruhu labuu ka dhigay.wuu qaybiyay,inyar oo aan haysan Aqlabiyaddii iyo awoodii ayuu u xambaariyay oo uu leeyahay Gudoomiye ayaan idinka dhigayaa oo uu Xaflad u qabtay” ayuu yidhi Mudane Buraale Fool-xume.

Musharaxa Garabkani u doortay Gudoomiyaha Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa isna halkaasi ka hadlay “Waxaa iswaydiin leh,Mubaarig Taani(Gudoomiyaha hore ee SONYO)Muxuu labadii Nin ee Tartamayay Mid ula saftay?waxaanu ognahay in Muddadii 2-da sanno ahayd ee uu Dalladda Maamulayay Madmadow faro badani ka jiro Hab Xisaabeedkeedii.wuxuu furtay Akowno gaar ah oo Qayrul sharci ah,si aan loo xisaabin ayuu arrintan u sameeyay laakiin,marnaba isna ka hadhi mayno,sharciga ayaana la horkeeni doonaa”

Cabdicasiis waxa uu sheegay inay cabashada Arrintan u gudbiyeen Wasiirka Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire oo ay khusayso Khilaafaadka Ururaddu balse Wasiirka Ciyaaruhu warqad aan u qalmin Wasiir arrintaasi ka soo saaray kuna sheegay in Garabka Sharciga ahi yahay Garabka Siyaad.

 

Muranka Dalladda Sonyo ayaa ahaa mid taagan Mudooyinkii u dambeeyay,waxaana muuqata in Xukumaddu wadato Garabka Musharax Siyaad oo ka soo cadhooday Shirkii Sharciga ahaa ee Dalladda ugau furmay Ambassador kadib markii Aqlabiyadda uu ka yeeshay Musharaxa kale.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.