Wasiirada Madaxtooyada, Maaliyada iyo Taliyaha Booliska oo Degmada Sayla Dhismayaal cusub ka Hirgaliyey

0
?????????????

Hargeysa (Sayruuq) Wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xassan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Taliyaha Booliska Sareyoguuto Cabdilaahi Fadal Iiman iyo Wasiir Ku-xigeenka Amniga Cabdi Daahir Camuud ayaa waxay Maanta Xadhiga ka Jareen Xarunta Booliska ee Degmada Sayla, waxa kale oo ay Dhagax dhigeen Xarun cusub oo loo dhisayo Degmada isla markana Xafiisyo u noqondoonta iyo Xarunta Maxkamada Degmada Sayla.

Xafladan isku jirtay Xadhig ka jarista iyo Dhagaxdhigida ayaa waxa ka qaybgalay Wasiiro ka socday Xukumada, Xildhibaano, Saladiin, Culimo awdiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo Marti sharaf kale oo baddan.

1 02 2 03 3 4 05 - Copy 5 06 - Copy 6 07 - Copy 09 - Copy 9 7 08 - Copy 010 - Copy 010 08 8 10 15 14 13 12 11 16 17 18 19 20Xarunta Saldhiga Degmada Sayla ayaa waxa la sheegay in ay Dhistay Muwaadinad Reer Somaliland ah oo ku Nool waddanka Ustareliya isla markana ka soo jeedda Degmadaasi, waxa la tilmaamay in Dhismahaasi ay ku baxday lacag ka baddan Toban kun oo Dollar, waxa kale oo isla Saldhiga Qalabeyey Taliyaha Booliska Somaliland.

Guddoomiyaha Degmada Sayla Cabdi Sheekh Xusen oo Xafladaasi ka hadlay ayaa Sheegay in Dhismahan cusub ee Xaflada loo qabtay ay Maalgalisay Marwo Hibaaq Yusuf Aadan oo ka mid ah Qurbajooga Beesha Ayuub ee  ku nool Waddanka Ustareliya, waxaanu guddoomiyuhu sheegay in ay Inantaasi uga  mahad naqayaan hawsha Baaxada leh ee ay degmada u qabtay isla markana Illahay halkii ay lacagtaasi ka soo saartay Khayr ugu bedelo, waxa kale oo uu soo dhaweyey Dhismayaasha kale ee Xukumada Somaliland u balan qaaday in ay dhisayaan oo kala ah Xarunta Degmada iyo Maxkamada Degmada labadaasi dhisme oo Wasiiradii xafladaasi ka qaybgalay ay sheegen in ay Dhisayaan dhawaan.

Boqor Cali Xusen Kaahin oo isaguna Xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu Soo dhaweynayo Dhismahaasi Cusub ee Degmadu u bahnayd ee Dhinaca Amaanka ah ee loo dhisay, waxanu u duceyey Inantii Maalgalisay Dhismaha Xarunta Booliska, waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiradiisaba ugu mahad celiyey Balanqaadka ay u balanqaadeen in ay Dhismayaal cusub u dhisayaan Degmada oo kala Xaruntii Degmada iyo Maxkmadii Degmada.

Aw Cabdi Sheekh oo ka mid ah Odeyaasha Degmada Sayla ayaa waxa uu soo dhaweyey Saldhiga cusub ee loo dhisay iyo Dhismayaasha kale ee loo balanqaadayba, waxa kale oo uu soo jeediyey in Beesha Ayuub ay u Qalanto in la siiyo Wasiir Buuxa, waxa kale oo uu sheegay in Degmada Sayla Tahay Degmo Nabadgelyo.

 

Cabdi Cumar (Garnayl) oo ka mid ah Gudida horumarinta Degmada Sayla ayaa ka hadlay Xafladaasi isaga oo sheegay in aad ugu Farax san yihiin in ay maanta arkan intaasi oo wasiir ah oo degmada joogta, waxa kale oo uu sheegay in Dhismaha Cusub ee Saldhiga ee xadhiga laga jarayo ay dhistay Inan Qurbajooga ah oo la yidhaahdo Hibaaq Yusuf Aadan oo ku nool waddanka Ustarialiya waxaanu sheegay in ay intaasi mutaysatay in dadka degmadu ku maamusan shahado sharaf, waxa kale oo uu u mahad Celiyey Wasiirada Xukumada Somaliland ee u dhagax dhigay degmada Xarumaha Cusub, waxa kale oo uu Madaxweynaha u soo jeediyey in degmadu waxa baddan tabayso isla markana loo bahan yahay in wax baddan loo qabto wixii deeganku qabsankarana ay qabsanayaan.

Waxa kale oo iyaguna ka hadlay Xildhibaan Ruush oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee NOW waxayna shegen in loo bahan yahay in Bulshada Degmadu horumarka ka shaqeyan oo nabbadoodana ilaashadan.

Badhsaabka Gobolka Hawd oo ay degmadani hoostagto ayaa sheegay in wixii degmadu u baahan tahay ay xukumadu diyaar u tahay in ay la qabto isaga oo xusay in Dadka degmadana looga bahan yahay in Degmada ay dhisaan oo ay ka dhigan magaalo degmo u eeg, waxa kale oo uu sheegay in nabbadgelayda Gobolka iyo ta Degmaduba ay fiican tahay.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Arrimaha gudaha Cabdi Daahir Camud oo isaguna ka hadlay Xafladaasi ayaa Sheegay in Xukumadu wax badan u qabtay Degmada isla markana Balanqaadka maanta la balanqaaday in loo dhisayo xafiisyadaasi kale iyaga dhawaan ay hirgalidoonan, waxa kale oo uu u mhad naqay Inantii soo Dhistay Saldhiga Degmada, waxaanu sheegay in Xukumadu diyaar u tahay in wax baddan degmada u qabto.

Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay Xafladaasi ayaa sheegay in Xukumada wixii karankeeda ah ay ka qabbandoonto Degmada, isla markana wixii baahiyo ah ee jirana ay wax ka qabbandoonan.

Taliyaha Booliska ee Somaliland Sareyoguuto  Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa sheegay in Degmada ay u qoridoonan Boolis cusub oo xoojiya kuwii hore u sii joogay, waxaanu tilmaamay in degmada Nabbadgelaydeedu tahay mid taam ah, waxaanu sheegay in Saldhigan ay Muwaadinadu u dhistay uu wax weyn u qabbandoono isla marka iyaguna ay qalabeysteen dhismahaasi loo dhisay oo uu noqondoono mid shaqeyndoona.

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xassan oo isaguna ka hadlay Xafladaasi ayaa Balan qaaday in dawladu Degmada u dhisayso labba Xarumod oo kala Xaruntii Degmada Sayla oo ah Xafiisyo maamulku ku shaqeyndoono iyo Xaruntii Maxkamada Degmada, waxa kale oo uu sheegay in  wixii kale xukumadu awoodo ay la qabbandoonan degmada.

Gabogabadii Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xassan, Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Taliyaha Booliska Sareyoguuto Cabdilaahi Fadal Iiman waxay xadhiga ka Jareen Saldhiga Cusub isla markana waxay dhagax dhigeen labba Dhisme oo kala ah Dhismaha Xarunta Degmada iyo Dhismaha Xarunta Maxkamada.

Wasiirka Maaliyada ayaa Waxay Shaahado sharafyo Gudoonsisay Inanta Maalgalisay Dhismaha Saldhiga Degmada Sayla Hibaaq Yusuf Aadan, waxa kale oo ay shaahado sharaf guddoonsiisay Xassan Axmed Ibraahin Ambasi oo isaguna horumarka degmada ka qaybqaatay iyada oo labbadaasi shaahado ay bixiyeen Maamulka Degmada Sayla.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.