Wasiir Xirsi Oo Saaka Xafiis-kiisii Hore Ee Madaxtooyada Iska Xaadiriyey

0

Hargeysa (Sayruuq)- Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa saaka dib ugu soo laabtay xafiiskiisii hore ee madaxtooyada.

Wasiirka ayaa xafiiska u yimi u diyaar garawga xil wareejinta wasaaradii madaxtooyada oo dhawaan lagu wado inuu wareejiyo.

Guud ahaan shaqaalaha madaxtooyada ayaa si weyn u soo dhaweeyey wasiirka, waxaanu shaqaalaha badi kula kulmay xafiiskii uu hore uga arrimin jiray. sidaas waxaa Sayruuq u xaqiijiyey qaar ka mida goob joogayaashii xafiiska kula kulmay wasiirka.

 

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.