Wasiir Warancadde Oo Sharaxay Go’aanka Xukumaddu Ku Mamnuucday Qaxoontiga Soomaalida Ah Ee Yemen Ka Soo Cararaya

0

Hargeysa(Sayruuq)-Xukumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Hay’adda Qaxoontiga Aduunka iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha xuquuqal Iinsaanku diideen in Qaxoonta Yemen ka soo cararay ee Somaliland jooga la siiyo wax mucaawino ah sidaas darteedna Somaliland joojisay Qaxoontiga.

Wasiirka oo ay weheliyaan Wasiiro Xukumadda ka tirsan oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda daakhiliga ee Hargeysa, ayaa sheegay inaan Somaliland awoodin caawinta dadka soo qaxay sidoo kalena aanay amaan ahaan u qaabili Karin dadkaasi.

Wasiirku waxa uu sheegay in hore Xukumadda Somaliland u qaabishay Qaxoontiga sidoo kalena ay soo dhawayn lahayd kuwa dambe “Waxaad Ogaydeen in dalka Yemen Dagaal xumi ka dhacay, Somaliand-na waxay ballanqaaday inay soo dhawayso dadka qaxoontiga ah jinsiyad kasta ha ahaadee, oo la taakuleeyo, waxaanu u furay dekeddaha”

Wasiirku waxa uu sababeeyay diidmada Somaliland ee qaxoontiga “Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa iyo Hay’addaha xuquuqal iisaanka waxaanu ku ballanay in anaguna aanu keeno dhulkii iyo meelihii la dejin lahaa hadday tahay Berbera, Hargeysa ama meelo kale, iyaguna ay kafaalo qaadaan quudintooda, taakulayntooda iyo qof walba oo meesha uu rabo loo qaado, haseyeeshee arrintaas waxaa ka baxay hay’addihii dadka caawin jiray ee xagga bani’aadanimada iyo qaxoontiga, waxaanay yidhaahdeen wixii Soomaali ah ee qaxoontiga soo cararay ah wax Allaale wax aanu u qabanaynaa ma jiro, waxaana ilaa hadda noo yimid saddex kun oo qaxoonti ah, taas oo keentay arrin dhaqaale oo aanan dawlad ahaan qaadi karrin, Hay’adduhuna way ogol yihiin dadka Ajaanibka ah laakiin Soomaalida ayay diidan yihiin, sidaas darteed waxaanu nidhi kol haddaynaan qaadi karrin dadkaa waa inaan halkan lagu soo daadin oo aanay ku darxumoon Dalkayagii ee meeshii kale ee loo dhaafin karo loo dhaafiyo” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, waxa uu sheegay inaan doon dambe oo sida Soomaali aan ahayn reer Somaliland soo gali karrin Somaliland, islamarkaana ay tahay in la geeyo meelaha kale ee ay ku wejahnaayeen. Waxa uu sheegay in ilaa saddex kun oo qaxoonti ahi haatan joogaan Somaliland kuwaasi oo lagu taakulayn doono sidii loo gaadhsiin lahaa meelaha ay ku socdeen.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dadka Somaliland u dhashay ee ka soo noqonaya Yemen “Dadka Somaliland u dhashay gaar weeye, inkasta oo aanay badnayn laakiin, iyaga dib ayaanu u Ururinaynaa, waxaanu jecelahay Yemen inaanu Xafiiskayagii dib u furro, dabeedna dadka Somaliland u dhashay la Ururiyo oo Somaliland kafaalo qaaddo sidii loo soo qaadi lahaa” ayuu yidhi Wasiirka.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa la waydiiyay in go’aankani ku keeni karo Somaliland saamayn caalami ah maadaama dunidu dhawrto xuquuqda Qaxoontiga, waxaanu ku jawaabay “Imikaba waanu haynaa qaxoonti oo waanu qaabilnay oo kumannaan baa haddaba jooga laakiin, khaladkaas waxaa keenay hay’addihii qaxoontiga wax siin jiray oo u diiday inay taakuleeyaan, anaguna itaal uma hayna Kumanaan qof sidaas awgeed inaan lagu daadin meel aan waxba loo dhigin ee halkii kale ee ay ku socdaan in la gaadhsiiyo aanay dhibaatoon ayaanu ugu talo galay”

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa wakhtiyadii ay bilaameen qaxoontiga Yemen ka soo cararay ee Somaliland soo gaadhaya waxa uu socdaal ku maray wadamo Yurub ka tirsan kuwaasi oo uu dawladdahooda iyo hay’addaha Xuquuqal Iisaanka iyo qaxoontiga kala hadlay sidii loo taakulayn lahaa dadka xuduudaha Somaliland loo furay ee Yemen ka soo cararaya balse Go’aankan Xukumadda ayaa u muuqda inaan dawladdaha iyo madaxda hay’addahaasi aqbalin dalabkii Xukumadda Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.