Wasiir Warancadde Oo La Sheegay Inuu Mar Kale Amray Soo Qabashada Taliye Xigeen Sablaale

0

Hargeysa(Sayruuq)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa saaka mar kale amar ku siiyey ciidanka Booliiska inay soo xidhaan Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleebaan Xaashi (Sablaale), kaasoo uu dhawaan xidhay kadib na soo daayey.

Lama garanayo waxa keenay amarka xadhiga Taliye ku-xigeenka, iyo sababta markii hore inta loo xidhay hadana loo sii daayey, hase yeeshee ilo wareed muhiim ah ayaa Waaheen u sheegay inay ciidan Boolis ahi Subaxnimadii Sabtida ku jarmaadeen guriga Taliye ku-xigeenka xilligaas oo uu ka maqnaa.

Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Sablaale Ayaan la garanayn halka uu ku sugan yahay, hase yeeshee waxa la sheegayaa in uu khilaaf weyni ka dhaxeeyo isaga iyo Wasiir Warancade, khilaafkaas oo aan wali soo shaac-bixin, isla markaana midkood na wali kamuu hadal.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda daakhiliga ee maamulka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Cadarre, oo wakhtigii Sablaale xidhnaa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliye xigeenka iyo wasiirku isku khilaafeen amar diido Sablaale sameeyay  “Taliye kuxigeenka waxaa loo xidhay amar diido uu sameeyay. Wasiirka waxay iskugu dhaceenna waa amar diidaas uune wax kale maaha. Waxa keenay xadhigiisa anshaxa ayaa la marinayaa,” ayuu yidhi mr Cadarre oo saxaafadda lahadlay xilli Sablaale xidhnaa dabayaaqadii September.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.