Wasiir Warancadde Oo Ka Hadlay Suurto Galnimada In Sanadkan Xujaajta Somaliland Sucuudiga Ku Tagaan Basboorka Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa sheegay inay rajaynayaan in Sanadkan Xujaajta Somaliland ku tagaan sucuudiga Basboorka Somaliland. Waxa uu sheegay in wada hadal ku saabsan Aqbalaada Basboorka Somaliland u socdo Sucuudiga.
Wasiirka oo ka hadlayay suurto galnimada in Dadka Somaliland ee sanadkan xajayaa Sucuudiga ku tagi doonaan Basboorka Somaliland waxa uu yidhi “Runtii waxaanu imika la wadnaa Sucuudi Carabiya, Weftibaana noogu maqan, iyaguna runtii way soo dhaweeyeen oo waxay na waydiiyeen Tusaalihii(Sample), markaa Insha Allah waxaan ku rajo weynahay inay naga aqbalaan”

Wasiir Cali Warancadde oo Sharaxaad ka bixinaya Basboorka Somaliland waxa uu yidhi “Dawladda Somaliland waxay ku dedaashay in ay samayso basaboorkii Somaliland oo Electronic ah oo ay dhammaan akhriyi karaan mishiinnada caalamiga ah. kuwii horrena waxa ka maqnaa doorka mishiinadu akhriyayaan, marka waxaynu kaga maarmayna kii macmalka ahaa ee Soomaaliya ee bilaa aabbaha ahaa, waxaanannu dagaal culus u geli doona dalalka aqoonsan mooyaane wixii kale in aynu u bandhigno,maadaama aynu tayrsaro samaynayno, basaboorkiina yahay kan, aynu noqono dal ay walaalo yihiin oo ay jaar yihiin Somaliya, wixii dalalka aqoonsaday oo Jabuuti ay u dambaysayna ay hadda ku dhuftaan fiisa basaboorka, wixii hadhayna dagaal loo geli lahaa. Kani waxa weeyaan kii dibloomasiga ahaa, kana waa basaboorka adeega oo shaqaalaha dawladda qaata, kania waa basaboorkii caadiga ahaa oo dadka shicibka ah ee caadiga baa qaadanaya,” ayuu yidhi Md. Cali Warran-cadde oo xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay.cade
Bulshada Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay hadal hayay in sanadkana Dadkak Somaliland ee Xajka tagayaa qaadan doonaan Basboorka Somalia iyo in Somaliland keeda uu Sucuudigu aqbali doono. Somaliland ayaa adkaysay Basboorka Somalia in la qaato, iyadoo dadka sita ee Madaarka ka soo degaya loo xisaabinayo inay Ajanabi yihiin kol hadday Basboorka Somalia sitaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.