Wasiir Si Adag Uga Hadlay Dagaalkii Shalay

0
Wasiir Si Adag Uga Hadlay Dagaalkii Shalay

Wasiir Si Adag Uga Hadlay Dagaalkii Shalay

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi oo ka soo jeeda Bariga Sanaag ayaa si adag uga hadlay dagaal shalay magaalada Hadaaftimo ku dhexmaray ciidamo la socday badhasaabka Somaliland ee Badhan iyo ciidamo Puntland taabacsan.

Waxa uu sheegay in badhasaabka cusub ee Somaliland u magacowday Badhan oo sii maray magaalada Ceerigaabo kadibna isaga sii gudbay degaannada Yubbe, Ceelcad ilaa Hadaaftimo ay koox uu ugu yeedhay Qawlaysato Puntland ah u gashay meel u dhexeysa Hadaaftimo iyo Badhan. Waxa uu sheegay in ciidankaasi soo daba mareen ciidamada Somaliland kadibna jid gooyo u galeen badhasaabka.

Waxay badhasaabka u galeen Karinduushe oo Hadaaftimo iyo Badhan u dhexeysa laakiin, waxba kama faa’iidin, khasaare weyn baa ka gaadhay, jab baa ka gaadhay way ka shalaayeen halkaa waxa ku dhintay taliyihii ciidanka watay ee Puntland, waxaa ku dhaawacmay ku xigeenkiisii waxay qaateen dhaawac faro badan oo kale waanay carareen,” ayuu yidhi wasiirka caddaaladda Somaliland.

Wasiirka caddaaladda Somaliland wuxuu hadal dhagaraysan oo hoosaasin ah ku tilmaamay wada hadal madaxweynaha Puntland ugu baaqay Somaliland “Waa maqlayseen oo Deni wuxuu lahaa ‘wada hadal baanu la furayna Somaliland’ taasi waxay ahayd dhagar qarsoon oo uu doonayay in uu ku dago dawladda Somaliland iyo badhasaabka gobolka Badhan, dhagartiina waa muuqatay wax la aammini karana heshiiska uu sheegaya maaha,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo si cadho leh u hadlayay wuxuu intaasi raaciyay “Wax aynu ka heshiinaaba inagama dhexeeyo, muxuu inagula heshiinaya? Ma dalkeenu inagula heshiinaya? Muxuu inala wadaagaya? Dal inalama wadaago wax aynu kala heshiino iyo waxaynu kala sheekaysana ma jiro, dhulkaasi sida uu u dhan yahay wuxuu ku jira gacanta Somaliland, shacabku waa Somaliland oo taageero badan bay u hayaan, calankii baa ku teedsan magaalooyinka Xadka oo Badhani waa badhtamaha oo waad arkayseen weftigii dhawaan tagay degmada Dhahar ee goonaha ugu shisheeya sidii shacabku u soo dhaweeyay.”

Waxa uu intaasi ku daray in Puntland oo degaanka taageero ka wayday ciidamo ka keentay meelo fog “ Markii ay ogaadeen (Puntland) in aanay jirin dad shacab ah oo gobolka Badhan ah oo taageero u haya waxay keeneen ciidamo ay ka keeneen gobolka Mudug, kuwo ay ka keeneen Garoowe iyo kuwo ay ka keeneen dhul aad u fog oo aanan magacyadooda garanayn.”

 

” Ciidanka Somaliland U Dulqaadan Maayo Gardarrada Dhacday,”

Puntland oo War Ka Soo Saartay Dagaalki Somaliland

Faahfaahin Dagaalka Somaliland iyo Puntland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.