Wasiir Samaale Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobalada Dalka Iyo Dhaqaalaha Miisaaniyada Sanadkan Doorashada Ugu Jira.

0

Hargeysa (Sayruuq) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa amaanay safarkii dheeraa ee Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku soo maray gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaanu sheegay in safarkaasi ahaa mid qiimo badan oo ay ku hirgaleen Mashaariic badan oo Madaxweynuhu xadhigga ka jaray ama dhagax dhigay.

Wasiir Samaale, waxa kale oo uu ka hadlay qabsoomidda doorashada Madaxtooyada, waxaanu tilmaamay in xukuumaddu diyaar u tahay doorashadaasi isla-markaana Miisaaniyadda loogu daray wixii dhaqaale ahaa ee kaga aadanaa xukuumadda, laakiin inay xilligeeda ku dhacdo iyo inay ku dhici waydo aanay xukuumaddu shuqul ku lahayn.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo u waramay Telefiishanka Qaranka, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya safarkii Madaxwaynaha yidhi “Safarkii Madaxwaynaha Somaliland iyo weftigii ballaadhnaa ee la socday ku tageen gobollada dalku wuxuu ahaa safar qiimo badan, waayo Madaxwaynuhu wuxuu xadhigga ka jaray mashruuc ama saddex mashruuc oo tuulo ama gobol kasta ka hirgelay, waana wax aad iyo aad loogu farxo”

Wasiirku wuxuu u mahad-naqay hawl-wadeennada wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland “Hawlahaana waxa qabtay wasaarado kala duwan iyo dhammaan hawl-wadeennada kala duwan ee wasaaradda Maaliyadda, waxaanan jecelahay inaan si gaar ah ugu mahad naqo shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda, anigoo si gaar ah u soo qaadaya Maamulaha kastamka Berbera iyo isku-duwaha wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda Maaliyadda ee gobollada AWDAL, Saylac, Gabilay, Balli-gubadle, Hargeysa, Burco, laascaanood, Ceerigaabo, dadweynaha reer Somaliland ee cashuur bixiyayaasha ahna waan u mahad celinayaa” Waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya doorashada Madaxtooyada iyo sida xukuumaddu diyaarka ugu tahay “Xukuumadda way ka go’an tahay in doorashada la qabto, waayo Madaxweynuhu doorasho ayuu ku yimid, Miisaaniyaddana waanu ugu darnay wixii loogu talo-galay doorashada, hasa-yeeshee doorashadu inay xilligeeda ku dhacdo iyo inay dhici waydo kuma xidhna xukuumadda iyo Madaxweynaha, axsaabta qarankuna way ogyihiin taas ee waa inay waddadeeda maraan”

Wasiir Samaale, waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ay ugu badinayso in doorashada xilligeeda la qabto “Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa waxay ugu badinaysaa doorashada, inay dhici waydo annagaa ka xun, waayo waxaanu ognahay in Madaxwaynaha Qaranku ku soo baxayo doorashada (Soo socota) cod ka badan kii aanu ku soo baxnay 2010-kii…”

Md. Samaale, waxa kale oo uu ka hadlay qadiyadda gobolka AWDAL “Gobolka AWDAL waxyaabaha maalmahan dambe laga sheegayaa maaha wax qurux badan, waxaanan qabaa in ashkhaas dan lihi ay gobolka iyo dadka deggan ay ceebaynayso, waana dad daneystayaal ah oo dan gaar ah leh ama Magac Suldaan ha sheegto ama Magac siyaasi ha sheegtee. Waxaan leeyahay magaca deegaanka yaan la xumayn, mana xumayn karaan ashkhaas xumo, waayo gobolkaasi laf-dhabar ayuu ka yahay Somaliland, qaranimada iyo horumarka Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Gobolka AWDAL waa gobolka uu ka soo jeedo Madaxwaynihii u horeeyay ee dadku soo doortaan ee 8-da sanadood dalka xukumayey, markaa waxaan qabaa in dadka maanta hadlayaa yihiin kuwo xumaynaya Magacii Madaxwaynahaa (Daahir Rayaale)…”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.