Wasiir Saalax Oo La Sheegay In Uu Muqdisho Joogo

0
Wasiir Saalax Oo La Sheegay In Uu Muqdisho Joogo

Wasiir Saalax Oo La Sheegay In Uu Muqdisho Joogo
Wefti uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibedda Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed, ayaa socdaal aan la shaacin oo xogtiisa aad loo xaddiday ku joogga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka dib booqashadiisii Hargeysa.

Sida ay Suxufi Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan telefishanka Goobjoog u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, socdaalka wasiirka ayaa ku saabsan arrimo la xidhiidha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibedda Eriteriya ayaa ka mid ah xubno loo xil saaray inay isku soo dhaweeyaan Soomaaliya iyo Somaliland, inta aan wada hadallada la furin, si loo sii helo qorshayaal loo dhan yahay oo miiska wada-hadalka lays kula iman karo.

Hawshan waxaa hormuud ka ah, Raysal wasaaraha Itoobiya ahna guddoomiyaha urur gobolleedka IGAD Abiy Axmed.

Eritrea Ma Dhexdhexaadin Doonta Hargeysa & Muqdisho

Maxay Daaran Tahay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eriteria ee Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.