Wasiir Saajin Oo Bilaabay Kulamo Cod Raadin Ah

0
Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo U Ololaynaya Wasiir Saajin

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Wasiir Saajin uu Ergooyinka uu la kulmay uu ka dalbaday in Marka la gaadho Shirweynaha Xisbiga ee bisha dambe ay codkooda siiyaan, si uu ugu guulaysto Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Lama oga inay Ergooyinka uu la kulmay Cod u ballan-qaadeen iyo in kale, balse kulamada uu Wasiir Saajin la samaynayo Dadka saamaynta ku leh xisbiga Kulmiye iyo Cod-bixiyeyaasha ama Xubnaha Golaha dhexe ee xisbigaasi kuma koobna kuwa uu khamiistii la qadeeyay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.