Wasiir Saajin Oo Aan Yeelan Saamayntii..

0

Saameyntii la filayey inuu ku yeesho Gobolka Awdal iyo Boorama Wasiirka loogu yeedho Wasiirka Saddexda Wasaaraddood Maxamuud Saajin, dhawaana booskii Hoggaanka KULMIYE ka riixday Cabdiraxmaan Saylici, Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, ayaa u muuqata in aanu yeelan saameyntii iyo taageeradii laga filayey inuu ku soo biirin doono Kulmiye, ka dib markii Kulmiye lagaga awood roonaaday Maayirkii iyo kuxigeenkii, kuwaas labadu uu isku darsaday Xisbiga Waddani.

Saajin iyo muddo bilood ah ku sugnaa Boorama iyo Deegaannada Gobolka Awdal, si uu isu muujiyo, madaama oo ay ahayd doorashadii u horreeysay ee isaga oo Hoggaanka Kulmiye ku jira, isla maraana Wasiir ah uu ka qayb qaato.

Murrashax Madaxweyne kuxigeenka ee Xisbiga Waddani Maxamed Aw Cabdi, oo ah nin qunyar socod ah, ayaa guul weyn Xisbigiisa uga soo hooyey Degmada Boorama iyo Gobolka Awdalba.

Xisbiga Waddani, waxa iga soo baxay Golaha Deeganka Degmada Boorama 5 xubnood, halka Kulmiye uga soo baxeen 5 xubnood, UCID 3 xubnood.

Golaha Wakiilada, waxa uga soo baxay Waddani 5 xildhibaan, halka Kulmiye ay uga soo baxeen 5 xildhibaan, UCID-na 3 xubnood.

Saleban Saxansaxo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.