Wasiir Qambi vs Hass: Waxa Qoray Maxamed Ilig

0

Wasiir Qambi vs Hass: Waxa Qoray Maxamed Ilig
Wasiirku waxa uu eedeyay shirkad Ganacsi oo dalka ka shaqaysa oo maalgashi ku samaysay dalka intiisa badan.
Hadaba miyuu maray dariiqa saxda ahaa.

  1. Horta Shirkada shidaalka waxa maamula oo u ah Wasaarada wada shaqayneed Wasaarada Ganacsiga Somaliland.
  2. Shirkada hadii eedayn xoogeedu intaasi leegyahay lagu eedaynayo waxay ahayd in xeer ilaalintu dacwad ka geyso maxkamada taasina ma dhicin.

  3. Wasaarada Arrimaha Gudduhu waxay ahayd inay la timaado eedaynta Arrimaha khuseeya Amniga ee lagu eedeyay.

  4. Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu uu ka badheedhay Arrinta eedaynta taasina maaha mid khusaysa shaqo ahaan Wasaaradiisa, balse waa mid ay kaliftay inay isku degaan yihiin shirkada uu eedaynayo taasina may ahayn shaqo Xukuumada biixi laga filayay oo Haayadaha sharciga ah ayaa shaqada leh, hadiiba eedayn jirto.

  5. Hadii Wasiirku uu ku eedeyay shaadh wasiirnimo oo Xukuumada ahna oo ay kuwada socdaana waxay ahayd in arrintani hoos loo dhaqo oo nidaam Dawli ah oo aan shirkadaha Sumcadeeda lagu dilayn loo maro.

Sharcigu inuu Sareeyo waa in loo helo Xuquuq siman sharciga ee maaha in iyadoo aan eeda la dhamayn laga hadlo waxaan badhitaan sharci ah marin ama tuhun ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.