Wasiir Ka Mida Wasiiraddii Xukuumaddii Siilaanyo Oo Iska Dhiibay Dalka Swedan .

0
Gobolka Saraar Oo Lagu Qabtay 5 Baabuur Iyo Rag Dhuxulaysato Ah

Hargeysa(Sayruuq)-Iyadoo waqtigan lagu jiro qaban qaabinta xil wareejinta xukuumadda ee madaxweynaha la doortay loo asteeyay 14 December  ,Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa soo ifbaxaayaa masuuliyiin ka tirsaanaa xukuumadda talada wareejinaysa ee gadhwadeenka u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa warar lagu kalsoonyahay oo ilwareedo u soo tabiyeen Shabkadda Sayruuq.com , wararka ayaa sheegaya  in Wasiiru-dowlahii  Wasaaradda Warshadaha Somaliland horena u ahaa Wasiiru dawlaha wasaaradda  Deegaanka iyo horumarinta reer miyaga Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdisalaan Maxamed Xasan Uu iska dhiibay dalka Swedan kaasi oo mudooyinkii u dambeeyay u ku maqanaa wadamadda Yurub sifo shaqo ah ,balse lasoo xaqiijinaayo in Wasiirkaasi dalkaasi si rasmi ah isaga dhiibay .

Wasiiru dowlaha  ayaa  xilka wasiirinmo soo ahaa ila iyo 2013  isagoo ilaa iyo seddex wasaaradood soo maray oo kala ah Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jsl ,Wasaaradda wasaaradda  Deegaanka iyo horumarinta reer miyagasido,Wasaaradda Warshadaha Somaliland .Geesta kale waxaa isaguna usbuucan soo shaac-baxay in dirawlkii madaxweyne Siilaanyo isaguna u tahriibay Yurub waqti xaadirkan ku sugan yahay dalka Turkiga kadib markii ay walaac ka muujiyey mustaqbilkiisa shaqo ee waqtigan fooda inagu soo hayaa .

Wixii warar ee ka soo kordha isha ku hay www.Sayruuq.com .

Sayruuqnews

Hargeysa -Sayruuq

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.