Wasiir Faratoon Sida Xaqiiqada Ugamu Hadlin Kulankii Biixi iyo Farmaajo

0

Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland, Yasiin Haji Mahamoud Faratoon, sida uu uga hadlay kulankii dhex maray madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo maaha xaqiiqdu ama runtu!!

Wasiirku waxa uu kulanka ku sheegay kulan kadiso ku yimi oo salaan ah! Waxaan xiganaaya hadalkii wasiirka oo u dhignaa sidan:

“Markii shirkii AUdu dhamaaday madaxdii way isa sii macasalaamaynaysay, waa laysa sii arkaayay, waa laysa sii bogaadinaayay waa la sii balamaayay sidaas baanu madaxweynuhu ku tagay, madaxweyne Farmaajona ku yimi, sidaas baanay isku arkeen oo warkaasina intaas ayuu ku koobanyahay”

Runtu sidaa maaha shacabow waayo! Horta madaxweynaheenu kamuu mid ahayn madaxweynayaasha ka qayb galay shirkii AUda ee isa sii macasaalamaynaysay, isa sii arkaayay ee isa sii bogaadinaayay. Waa ta labaade’ shirka dhex maray madaxweyne Biixi iyo Farmaajo salaan muu ahayn iyo kulan kadiso ah ee runti waxa weeye in Raysalwasaaraha Itoobiya shir la qorsheeyay isku hor fadhiisiyay madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo oo laysku yidhi wax ka badan!

Madaxda dalku sidii ina Cigaal “AHN” dadka runta hala horyimadaan markay safarada ka soo noqdaan. Tusaale Marxuum Cigaal, ayaa inta badan marka uu ka soo noqdo safar dibada ah, dadka waxa uu ugu warami jiray Khariiryada, mar uu halkaa ka hadlaayay oo safar dibada ah uu ka soo noqday wuxuu gaadhsiiyay hadal caan noqday oo ahaa “ADUUNYADI DABADA AYAY INOO SOO JEEDISAY” hadal kaga qadhaadha dhagaha dadka xiligaa dhagaysanaayay ma jirin!! lakiin wuu u sheegay shacabka in safarkiisa uu kala soo kulmay in aan aduunku u soo jeedin qadiyada Somaliland xiligaas. Waar sidii ina Cigaal, siyaasada qadhaadh iyo macaan waxaad kala kulantaanba dadka u sheega waayo siyaasaddu waxay u baahantahay run iyo geesinimo shacabka lala horyimaado.

Siyaasi A.Kariim Ahmed Mooge

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.