Wasiir Faratoon Oo Iclaamiyay Musharraxnimadiisa Wakiillada

0
Somaliland Oo Ka Hadashay Rabshadaha Itoobiya

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamud Faratoon, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xildhibaanimo doorashada bisha MAY dhici doonta ee Golana Wakiillada.

Wasiir Faratoon, ayaa hadalkan ka sheegay Magaalada Yagoori ee Gobolka Sool, waxaanu xusay inuu u sharaxan yahay Golaha Wakiillada

Maalmihii u dambeeyey, ayaa waxa soo baxayey warar sheegayey inuu is casili doono Wasiirka Khaarajiga Somaliland, isla markaana uu isu sharaxi doono Golaha Wakiillada.

Yaasiin Faratoon, ayaa la sheegay in aanu hankiisu Xildhibaanimo keliya ahayn ee uu doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyada oo hankiisuna uu badhitaar ka helayo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.
@Saxansaxo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.